berberatoday.com
Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo La Anshax Mariyey Iyo Gannaax La Saaray
August 13, 2018 - Written by Berbera Today

Gabiley(Berberatoday)-Guddida Joogtada iyo anshax marinta gollaha Deegaanka Degmada Gabiley ayaa shalay xildhibaan Xildhibaan Xasan Axmed Maxamed oo ka tirsan gollahaasi ku anshax mariyey inuu laba fadhi ka maqnaado, iyo gannaax lacageed oo dhan.

Warka GabileySidaana waxa warbaahinta u cadeeyey Maayirka Degmada Gabiley Maxamed-amiin Cumar Maxamed, waxaanu yidhi “Guddida joogtada iyo anshaxa ee Golaha Deegaanku iyadoo tixraacaysa ama eegaysa xeerka gobollada iyo degmooyinka, iyo xeer hoosaadka golaha deegaanka, iyo xeerka anshaxa ee goluhu leeyahay ayaa waxay go’aan ka soo saareen in la gannaaxo Xildhibaan Xasan Axmed Maxamed inuu ka maqnaado laba fadhi oo gollaha deegaanka ah iyo in la gannaaxo lacag dhan saddex milyan oo Somaliland shillin ah”.

Maayirku waxa kale oo uu ka warramay sababta keentay in xildhibaankan la anshax mariyo, “Go’aankaasi waxa loo tixraacay ama lagu soo saaray kaddib markii uu Xildhibaanku ku kacay Been Abuur la xidhiidha hawlaha bulshada u hayo oo uu ka been abuuray, iyo aflagaado iyo caadaysi inuu baahiyo warar ka dhan ah hawlaha gollaha deegaanku u hayo Bulshada u hayo ka hor immanaya iyo waajibaadka xubnaha gollaha deegaanka, qodobadaasi iyadoo guddidu eegaysa ayey qaateen go’aankaasi”. Ayuu yidhi Maayirka Gabiley

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews