berberatoday.com
Xisbiga Waddani Oo Madaxtooyada Ka Sugaya Jawaabaha Su’aalo Uu Ka Qabo Sida Loo Maamuli Doono Hantida Madaxweynuhu Gacanta Dawladda Ku Celiyey Iyo Dareenka KULMIYE
August 13, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, ayaa ka hadlay Wareegtu uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Shalay soo saaray, taasi oo uu Gacanta Dawladda dib ugu soo celinayo Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera oo Xukuumaddii hore ku wareejisay Shirkado shidaal oo gaar loo leeyahay iyo weliba amniga Madaarka Hargeysa oo Shirkad gaar ahi Maamulkiisa gacanta ku haysey.

Warka KULMIYE iyo WADDANIMadaxweynaha ayaa Wareegtada uu Shalay soo saaray ku sheegay inuu Gacanta Dawladda dib ugu soo celiyey Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera, Maamulka Amniga Madaarka Hargeysa iyo weliba Qaybta baabuurta la dhigto ee Madaarka Cigaal ee Caasimadda Hageysa, kuwaasi ay dhammaantood Maamulayeen shirkado ay Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ku wareejisay.

Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE oo ka hadlay tallaabada uu Madaxweynuhu qaaday, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan, iyagoo ku sifeeyay Tallaabo hore loo qaaday oo dan u ah Shacabka reer Somaliland.

Maxamed Abiib oo ka mid ah Saraakiisha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE oo ugu horreyn ka dareen-celiyey tallaabada uu Madaxweynuhu qaaday ayaa yidhi “Waa Tallaabo Shacabka loogu danaynayo, waa tallaabo soo celinaysa Rejada iyo Ididiilladii Shacabku ka qabeen in Dawladnimadu u adeegto Shacabka oo aanay Shaqsiyaad u adeegin, ka Kulmiye ahaana waa wixii aanu Dadka u sheegnay ee aanu ku ololaynay, waa arrinkii lagu doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Anigu waxaan ahaa Ninkii lahaa ‘dooro Hoggaamiye Go’aan leh’, Dadka waxaan leeyahay wakaa Go’aankii bilaabmay ee taageera Madaxweynaha..”

Xoghayaha Duulista ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Nuuradiin Ibraahim Diini oo isagana uu dareenkiisa waydiiyey Telefiishanka Somali Cable, ayaa yidhi “8 bilood ka bacdi, Madaxweynuhu tallaabadii ugu muhiimsanayd ayuu qaaday, Xisbi ahaana waanu ku bogaadinaynaa, Shacabkuna wuu ku bogaadinayaa in Adeegyadii Bulshada ee la musuqay in Gacanta Dawladda dib loogu soo celiyaa waa wax aad u weyn.”

Mr. Diini wuxuu su’aal geliyey sida loo Maamuli doono Hantida Dawladda ee Gacmaha gaarka ha laga wareejiyey “Waxa daba-yaalla su’aalo tiro badan, Madaxweynuhu qaaday 3 tallaabo oo keliya, laba waa Madaarka Diyaaradaha Hargeysa, midna waa Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera. Ta Amniga Madaarka Cigaal, waxa la qaadi jiray 25 dollar, Tigidhkana waalla raacin jiray, markaa su’aashu waxa weeyaan Lacagtaa miyaa la deynayaa mise sideeda ayay ahaanaysaa, haddii ay sideeda ahaato yaa xaq u leh oo qaadaya ?, awal waxa qaadi jiray Shirkadaha diyaaradahee. Shirkadaha Amaanka Madaarka qaabilsanaa waxay lahaayeen Shaqaale, shaqaalahaasi ma Shaqaale Dawladeed ayay noqonayaan mise way ka madax-bannaanayaan, sidee loo Maamuli doonaa, markaa waxyaabaha la soo celiyey Madaxtooyada waa looga fadhiyaa qorshihii lagu Maamulayey. Ta kale halkii Dollar ee laga qaadi jiray baabuurta la dhigto Madaarka gudihiisa ma waxa qaadi doonta Wasaaradda Maaliyadda oo waxay noqon doonta oo waxay noqon doontaa Lacag sharciga waafaqsan, mise Dadka waa laga deyn doonaa Lacagtaa laga qaado Baabuurta la dhigto gudaha Madaarka Hargeysa ee Cigaal.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Ta kale, Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera, markii hore ee Dawladdu gacanta ku haysay Maamulo xumo baahsan ayaa ka jirtay oo Hadba cidda joogtaa xoolaha ummadda siday doonaan ayay u dhuran jireen, qaarkood baa Ganacsiyo ka samaystay oo la yaqaanaa, ma sidii ayay ahaan doontaa oo intay Dawladdu soo magacowdo Maareeye ayuun buu isna halkii ka sii wadi doonaa (Musuqmaasuqa) mise Qorshe iyo nidaam-Xisaabeed lagu maamulo ayay Madaxtooyadu la iman doontaa.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews