Darawaliinta Gaadiidka Waaeyn Iyo Ganacsatada Wax Kala Soo Dega Dekedda Berbera Oo Ka Cabanaya Adeega Shirkada DP World
Berbera(Berberatoday.com)-Sidey u shaqeysaa Dekadda Berbera? Maxaa isbadel ah oo ku yimid tan iyo markii maamulka dekaddaasi ay la wareegtay shirkadda DP World?Idaacada BBC-da laanteeda Afka Somaliga ayey suuragashay muddo ku dhow laba sano in ay gudaha u gasho dekadda Berbera saxaafad madax banaan, halkaas oo uu galaangal dhif iyo naadir ah uu u yeeshay weriyaha BBC-da ee Somaliland Axmed Saciid Cige oo safar shaqo ku tegay todobaadkan magaaladaasi ayaa warbixin ka diyaariyay.