berberatoday.com
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Guddiga Agaasinka Dekedaha Iyo Free Zone-Ka & Arimaha Ay Ka Wada Hadleen+Daawo Sawiro / Muuqaal
August 14, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay guddida agaasinka iyo goobaha cashuuraha ka caaggan (Free zone) ee marsada caalamiga ah ee Berbera.

Image may contain: 10 people, people smiling, people standing and suit

 

 

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd sidii dardar-gelin loogu samayn lahaa dib-u-ballaadhinta marsada Berbera iyo casriyeynteeda, isla markaana loo gudo geli lahaa hirgelinta heshiiskii shirkadda DP World hore loola galay, ayaa lagu lafo-guray guulaha laga gaadhay sidii qorsheyaal muuqda oo la raaci karo loogu samayn lahaa gaadhitaanka yoolka fog oo ah sidii ay marsada Berbera u noqon lahayd deked casri ah oo la tallaabsata dekedaha kale ee dhiggeeda ah.

Guddiga, ayaa dhankooda madaxweynaha uga xog-warramay halka ay hawsha dib-u-ballaadhinta iyo casriyeynta dekedda Berbera marayso, qorsheyaasha mustaqbalka dhaw iyo sidii loo gudo geli lahaa, loona hirgelin lahaa dhammaanba qodobbadii ku xusnaa heshiiskii ay Somaliland la gashay shirkadda DP World ee ballaadhinta dekedda Berbera.

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhinaciisa xubnaha guddiga uga mahadnaqay dedaalka ay wadaan iyo hawlkarnimada ay muujiyeen, waxana uu kula dardaarmay inay sii laban-laabaan dedaalkooda, si loo gaadho himilada guud ee uu qaranku ka leeyahay sidii ay marsada Berbera u noqon lahayd mid casri ah, isla markaana wax waliba u dhammaystiran yihiin.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews