berberatoday.com
Qaxooti Somali Iyo Eritrea Isugu Jira Oo Loo Diiday Inay Galaan Qaaradda Yurub
August 14, 2018 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 67 ruux oo isugu jira qaxooti Soomaali iyo Eritrea ah oo saaran Markabka Aquarius ayaa loo diiday inay gudaha u galaan qaarada Yurub, waxayna taagan yihiin badda Mediterranean-ka.

Saraakiil ka mid ah kuwa u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxa ay sheegeen Qaxootigan inay ku jiraan carruur, islamarkaana illaa hadda ay la’yihiin wadan qaabila oo magangalyo siiya.

 

 

Talyaaniga ayaa wuxuu Britain ka dalbaday in uu qaabilo qaxootigan oo tiradoodu guud gaareyso 141 ruux oo 67 ka mid ah ay yihiin Soomaali iyo Eritrean.

Markabka ay saaran yihiin qaxootigan aya waxaa ka dul babanaya calanka Gibraltar oo ka mid ah dhulweynaha Britain, sidaasi darteed ayuu Talyaaniga uu codsi ugu jeediyay UK.

Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha qaxootiga ayaa waxa ay ku taliyeen in la tixgeliyo xaalada ay ku sugan yihiin qaxootigan, waxayna ku baaqeen in la badbaadiyo dadkan, si noloshooda ay u sii wataan.

Afhayeen u hadashay Guddiga Midowga Yurub u qaabilsan qaxootiga Tove Ernst oo kula hadashay saxafiyiinta magaalada Burssels ayaa sheegtay in ay suurtagal tahay in ay tixgelin mudan tahay calanka markabka uu ku safrayo, balse haweeneydan ayaa raacisay in ay la xiriireen dalal badan ayna wadaan dadaalo lagu xalinayo arrintan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews