Baarlamaanka Puntland Oo Go’aan Ka Soo Saaray Doorashada 2019
August 15, 2018 - Written by Berbera Today
Garoowe(Berberatoday.com)-Baarlamaanka Puntland oo maanta fadhi ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa go’aan ka gaadhay nooca doorashada ee Puntland ka dhici doonta marka la gaadho sannadka 2019.
Guddoomiyaha Baarlamaanka, Axmed Cali Xaashi wuxuu u sheegay warbaahinta marka uu kulanka soo dhammaaday in doorashada ay u dhaceyso nidaamka beelaha ee lugu soo xuli jiray xildhibaannada ,wuxuuna xaqiijiyay guddiga doorashada oo maanta warbixin-siiyay Baarlamaanka inay caddeeyeen doorashada inaysan ku dhici karin nidaamka xisbiyada badan.