berberatoday.com
Xarunta Xuquuqal iinsaanka Somaliland oo walaac xoogan ka Muujiysay 9 Maxbuus oo Ku Jira Xabsiga Hargeysa oo Cuntadii Ka Soomay
August 15, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sagaal maxbuus oo ku jira Xabsiga Dhexe ee Hargeysa ayaa bilaabay inay cuntada ka soomaan 4tii August 2018. Maxaabiistan oo loo xidhay eedo la xidhiidha “argagixiso” waxaay ku doodayaan in mudadii xadhigoodu uu ka dhamaaday. Xafiiska Xeer-ilaalintu wuxuu ku doodaysaa inaanu ka dhamaan.

Taariikhdu markay ahayd 31 May 2007 waxa madaxwaynihii hore ee Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin uu saamaxad uu fidiyay 14 maxbuus oo uu hoos u dhigay mudadii lagu xukumay. Laba ka mid ah markii xabsigu ka dhamaaday waa la sii daayay. 12 November 2008 ayuu madaxwaynuhu soo saaray qoraal kale oo uu ku sheegay inuu ka noqday saamaxadii, kadib markii qaraxyo ka dheceen Somaliland 29th October 2008.

Qaareenada maxaabiistu waxaay ku doodayaan inaan madaxwaynuhu awood sharci u lahayn inuu ka noqdo saamaxaad uu bixiyay sidaasdarteed aanay dhaqangal ahayn ka noqoshadu. Waxaay markaas qabaan in mudada xabsi haynta loo raacayo saamaxaadda madaxwaynaha.

 

Murankaas kadib, sagaal maxbuus ayaa cunto ka soomis bilaabay.

 

Xaaladdu siday hada tahay

Laba ka mid ah maxaabiista cuntada ka soonta marka horeba way xanuunsanayeen. Cunto ka soomistuna way uga sii dartay, sida eheladoodu u sheegeen Xarunta Xuquuqal Insaanka.

Sagaalkii August 2018 Xarunta Xuquuqal Insaanka, Ururka Qareenada ee Somaliland iyo ururka COMPAD waxaay u qoreen qoraal codsi ah Wasiirka Caddaaladda si loogu ogolaado inay la kulmaan maxaabiista cuntada ka soontay. Ilaa hada ogolaanshahaas lama bixin.

Xarunta Xuquuqal Insaanku dhawr jeer ayay booqatay xabsiga balse looma ogolaan inay aragto maxaabiista cuntada ka soontay.

Xubno ka tirsan qoysaska maxabiista, qareenkooda oo ah Maxamed Axmed Abokor iyo sarkaal dawladeed oo la hadlay Xarunta Xuquuqal Insaanka waxay sheegeen in weli maxaabiistaasi cuntada ka sooman yihiin. Qareenku wuxuu sheegay in xaaladoodu ka sii dartay dhinaca caafimaadka.

 

Talo-soo jeedin

 

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay dawladda Somaliland ka codsanaysaa:

Inay u ogolaato ururada madaxa-banaan inay arkaan oo la kulmaan maxaabiista cuntada ka soontay;

Inay daryeel caafimaad oo ay bixinayaan khuburo caafimaad oo madax-banaan loo ogolaado maxaabiista, kuwii u baahan cusbitaal in la dhigona loo ogolaado;

Inay tixgelin siiso cabashadooda oo la eego dacwadooda.

 

Guleid Ahmed Jama

Director of Human Rights Centre, Hargeisa Somaliland

Phone: +252634468227 Email: hrcsomaliland@gmail.com

Human Rights Centre (HRC) is the only local human rights watchdog based in Somaliland. It is registered with the Somaliland government as a non-profit-making, non-governmental organization with its own legal personality.

Connect wit us:

https://www.facebook.com/HumanRightsCenterHargeisaSomaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews