berberatoday.com
Akhri Falkii Ugu Layaabka Badnaa Ee Uu Ku Kacay Masuul Xukuumaddii Hore Ee Siilaanyo Iyo Xukuumaddanba Ka Tirsani Iyo Sida Uu Maalaayiin Dollar Ugu Leexiyay Soomaaliya
August 16, 2018 - Written by Berbera Today

FOORE Oo Helay Warbixin Lafjab Ku Ah Qaranimada Somaliland Oo Uu Ku Kacay Agaasimaha Guud Ee Deegaanku Iyo Warqad Uu Ku Muujiyay Inaanay Somaliland Awood U Lahayn Inay Maamusho Mashruuc Biyood Shan Milyan Oo Dollar Ku Kacayay Oo Uu U Leexsaday Inay CARE Iyo Dawladda Soomaaliya Ka Fuliyaan Somaliland!

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wakhti dad badani si weyn in muddo ahba walaac weyn uga qabeen sida ay meeqaamka dawladnimo ee qarankan dhaawac ugu gaysatay xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Waxa uu Wargeyska Foore baadhis uu sameeyay ku helay mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu  foosha xumaa ee ay ku kaceen qaar ka mid ah masuuliyiinta xukuumaddaasi ee u qaabilsanaa Wasaaraddii Khayraadka Biyaha taasi oo qaab liidnimo ah Hay’ad sama-fal ugu leexsatay mashruuc biyaha ah oo ay ku ogolaatay in loo soo mariyo dawladda Soomaaliya halkii ay iyadu ka maamulan lahayd ee hab bannaan-yaalnimo ah ay umadda ugu tusi lahayd (Transparency).

Mashruuc Biyood Maalaayiin Dollar ku fadhiyay oo sannadkii 2016-kii ay Somaliland ka heshay Bangiga Horumarinta Afrika ayaa Agaasimihii guud ee wakhtigaas joogay Wasaaradda Khayraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdirisaaq Jaamac Nuur oo isla xukuumaddan Muuse Biixi u jooga Wasaaradda Horumarinta Deegaanku uu warqad u diray Bangiga Horumarinta Afrika ee Mashruucan Somaliland siinaysay, isaga oo kaga codsaday in ay Mashruucan u soo mariyaan Hay’adda Care Somalia, taasina keentay in mashruucii hay’addaasi la siiyo iyana ay heshiis kula gasho dawladda Soomaaliya ee Muqdisho iyada oo ay heshiiskaasi fulintiisa la gashay Wasaaradda Maaliyadda ee dawladda Soomaaliya, dalkeenuna sidaa ku noqday gobol Somalia ka mid ah oo laga fulinayo mashruucaasi. Waana sida ku cad warbixin ay marka dambe mashruucan oo wali socda ka soo saareen Bangiga Horumarinta Afrika.

Warqadda uu Agaasime Cabdirisaaq Jaamac Nuur wakhtigaasi ku socodsiiyey Agaasime Goboleedka Bariga Afrika ee EARC /Bangiga Horumarinta Afrika Mr. Gabriel NEGATU oo Wargeyska Foore helay ayaa waxa uu ugu sheegayaa in uu u mahad naqayo Bangiga Horumarinta Afrika ee Fursadda Somaliland u siiyay mashruucaasi isaga oo sheegay in uu ka codsanayo in awoodda Wasaaradooda iyo caqabado haysta darteed ay Bangiga ka codsanayaan in aanay awood u lahayn fulinta Mashruucaasi balse uu ugu ogolaado in fulinta mashruucaasi iyo lacagtiisaba loo soo mariyo Hay’ada Care International xafiiskeeda Somalia oo ay wada shaqayn fiican leeyihiin sida uu qoraalkiisa u dhigay.

Tani waxa ay keentay in Bangiga Horumarinta Afrika mashruucaasi Somaliland u soo mariyo Hay’adda Care oo kaashanaysa Dawladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradeeda Maaliyadda oo sida warbixinta mashruucan ku cad lahayd doorka Fulinta halka Somaliland laga dhigay Gobol Soomaaliya ka mid ah oo mashrucaasi laga fuinayo oo kali ah.

Mashruucan waxa la ansixiyey 16/06/2016 waxaana la bilaabay 22/12/2016 isaga oo dhammaan doona 31 Bisha December 2019 iyada oo ay ku baxayso lacag Xaddigeedu dhan yahay 5, 513,995 (Shan Milyan,Shan Boqol, Saddex iyo toban kun, Sagaal Boqol iyo Shan Iyo Sagaashan Dollar).

Si kastaba ha ahaatee, waxa la is waydiin karaa danta gaarka ah ee ugu jirtay masuulkani in uu sidan liidnimada ah u ogolaado in uu dawladda Somaliland ka leexiyo fulintan hawshan iyada khuseeyey ee uu ula doontay Dawladda Soomaaliya iyo Hay’adda CARE, taasi oo dhaawac weyn ku ah qaranimada Somaliland iyo danta uu ka lahaa.

Waxa kale oo la is waydiin karaa sida ay arrinkan ugula socdeen masuuliyiintii xilka wasaaraddan uga sarreeyey ee wakhtigaasi sida Wasiirkii iyo Wasiir ku xigeenkii iyo waliba xataa Madaxtooyadu in ay la ogaayeen iyo in kale, waa su’aalo mudan in wax la iska waydiiyo iyada oo dhinaca kale ay muhiim tahay in aan wax iska waydiino saamaynta mashruucan Malaayiinka Doollar ku baxday uu dalka ku yeeshay iyo sida looga faa’iidaystay iyada oo aanay muuqan wax la taaban karo oo umadda ka soo gaadha mashaariicdaasi Malaayiinka Doollar ah ee qarankooda lagu iibsaday.

Faahfaahinta Mashruucan waxa aad ka daalacan kartaa Lingaxan hoos ku xusan:

https://www.afdb.org/en/projects-and-operations/project-portfolio/p-so-e00-001/ 

 

Xigasho Wargeyska Foore

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews