berberatoday.com
Baashe Morgan Iyo Xubno Kamid Ahaa Golihii Wasiiradii Xukumadii Siilanyo Oo Shirar Lidi Ku Ah Xukumada Madaxweyne Muuse Biixi Uga Socdaan Hutelka Jirde Ee Hargeysa
August 16, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xogo Rasmiya oo aanu ka helayno Magaalada Hargeysa ayaa sheegayaa in maalmihii udanbeeyay shirar aan kala go,aynin ay Hutelka Jirde ee magaalada Hargeysa ay uga socdaan koox uu hogaaminaayo Wiilkii Awood badan kulahaa Xukumadii Sodogii Siilanyo ee Baashe Morgan ee dhawaan laga Bedelay wakiilnimadii Dalka isutaga imiraatka Carabta.

kooxda uu Baashe Morgan hogaaminayo ee shirarku uga socdaan ayaa waxa kamida Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi,Wasiirkii Hore ee hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed(Cali Mareexaan)iyo Wasiirkii hore ee Qorsheynta Maxamed Ibraahim Qabo.

shirarkan aan kala go,a lahayn ee maalin iyo habeenba Xubnahaas uga socda Hutelka Jirde ee magaalada Hargeysa ayaa waxa la sheegayaa in lagu maleegayo Mucaaradad ladoonayo in lagu kiciyo Xukumada Madaxweyne Muuse Biixi oo Ooda ka Rogi waayay wasiiradaa xukumadii Hore Ka tirsanaa iyada oo sababta ugu weynina ka bilaabantay Bedelkii laga Bedelay Wakiilnimada dalka Isutaga imiraatka Carabta Bashe Morgan oo isagu kooxdan kaabe u ahaa wakhtigii Xukumadii Siilanyo dhamaantoodna ay ka amar qaadan jireen.

Xukumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegayaa inay la socoto dhaqdhaqaaqa Kooxda uu Baashe Morgan Hogaaminayo il gaarana kuhayso shirarka ay maalmihii udanbeeyay ku qabsanayeen Hutelka Jirde ee Magaalada Hargeysa waxaana la sheegaya inay Xukumadu sugayso talaabada shirarkaas ku xigta ee ay Xubnahani Qaadi doonaan.

Baashe Morgan oo ah Wiilkii Madaxweyihii hore ee Somaliland Axmed Siilanyo Sodoga u ahaa islamarkaana ahaa Wakiilkii Somaliland ee dalka Isutaga imiraatka Carabta ayuu ucuntami waayay Xilka Wakiilnimada Dalka Kenya ee Madaxweyne Biixi Umagacabay mar warbaahintu wax ka weydiisanay Baashe Morgan sida uu arkana waa uu is daad raaciyay isaga oo si afgobaadsiya uyidhi xilkaas waan ku qancay waanan qabanayaa meelkasta oo Madaxweynuhu ii magacaabo hase yeeshee taas bedelkeedii waxa uu hilaabay siyaasad hoose oo uu doonayo inuu Xukumada Ku kiciyo Wasiiradii ka amar qaadan jiray isaga ee Xukumadii Sodogii Axmed Siilanyo katirsanaa.

 

Cabdirisaaq Axmed Yacquub

 

Berberatoday.com Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews