Madaxweynaha Adduunka Ugu Saboolsan Oo Mar Kale Dunida Ka Yaabiyey Markuu Diiday Gunnadii Hawlgabka
August 16, 2018 - Written by Berbera Today
Uruguay(Berberatoday.com)-Madaxweynihii hore ee dalka Uruguay José Mujica oo loo yaqiinay ‘madaxweynaha adduunka ugu faqiirsan” sababo la xidhiidha qaab nololeedkiisa sahlan, ayaa sheegay in uusan u baahnayn gunnada gaboowga ee uu siin lahaa Aqalka Sare ee dalkaas.
Maalintii talaadada ayuu iska casilay xildhibaanimada Aqalkaas, taas oo uu soo hayay illaa sanadkii 2015-kii, kolkaas oo ay dhamaatay mudadii 5ta sano ahayd ee uu hayay xilka madaxweynenimada.