Madaxweynaha Dawlada Xamar Oo Booqasho Ku Tagaya Dalka Jabuuti Iyo Ujeedka Socdaalkiisa
August 16, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta berri oo khamiis ah booqasho ku tagaya dalka Jabuuti, si uu u qaboojiyo xiisada ka dhalatay safarkii uu bishii hore ku tagay Eritrea.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay socdaalka Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Jabuuti, isagoo tilmaamay in socdaalkiisa ay salka ku heyso xoojinta xidhiidhka labada dal iyo arrimaha Gobolka ka jira.