Xukuumadda Oo Sheegtay Inaan Odayaal Dambe Wakiil Uga Noqonayn Shacabka Ee Ay Toos U Ogaanayso Baahiyahooda
August 16, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaan hadda ka dib loo dhaxayneyn iyada iyo Shacabka, si si dhab ah loogu ogaado Baahiyaha ay qabaan Shacabku oo wax looga qabto.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ahna Afhayeenka Xukuumadda ayaa sheegay in hadda ka dib aanay jiri doonin cid u dhaxanaysa Shacabka iyo Xukuumadda ee ay Dawladdu toos ula xidhiidhayso.