berberatoday.com
Xukuumadda Somaliland Oo Amaro Culus Dul Dhigtay Shirkadaha Duulimaadyada Diyaaradaha Ka Shaqeeya
August 16, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa Warqad digniin iyo amar iskugu jirta u qaybisay dhamaan Xafiisyada ay magaalada Hargeysa ku leeyihiin Shirkaddaha Duulimaadayada Diyaaradaha ka shaqeeya,waxaana warqadaasi hoosta kaga saxeexnaa Mareeyaha Hay’adda Duulista Somaliland Cabdi Maxamed Rodol.

Warqaddan oo Wargeyska Foore helay ayaa waxa ay daba socotaa Wareegtadii dhawaan kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee uu shaqada kaga joojiyay qaar ka mid ah Shirkaddihii dadka gaarka ahi lahaayeen ee ka hawlgalayay Madaarka Cigaal ee Magaaladda Hargeysa,waxaana sida ku cad Nuxurka Warqaddan loo qaybiyay dhamaan Xafiisyada ay Shirkadaha Duulimaadka ka shaqeeyaa ay ku leeyihiin Magaalada Hargeysa ,waxaana looga digay inay wax lacag ah siiyaan Shirkaddii ka shaqayn jirtay amniga Madaarka Cigaal ee Marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanay S.R.M,waxa sidoo kale Warqadaasi si gaar ah hoosta looga xariiqay inaanay shirkadaha Duulimaadyadu siinin wax lacag ah shirkaddaasi,hadii ay tahay lacag hore iyo haddii ay tahay lacag Cusub toona,waxaana looga digay in shirkaddii amarmmaasi burisaa ay iyadu Masuuliyaddeeda qaadi doonto.

 

 

Warqaddan ayaa u dhignayd sidan

“Anagoo Tix raacayna Wareegtadii Madaxweynaha ee ku taariikhaysnayd 11/08/2018 ee Sumadeedu tahay JSM/XM/MW/222-178/082018, sidaa darteed waxaa la idin farayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12/08/2018, inaad ka joojisaan shirkada S.R.M Lacagtii ay qaadan jirtay ee Security Charges-ka,Lacagtaasi oo saaran Tigidha aad qabataan”. Waxa Lagu sii yidhi sidan”Shirkadda Ku wareejisa Wax lacag ah Shirkada S.R.M, ha noqoto lacag hore ama mid Cusub,iyada ayaa ka masuul ah illaa inta ay Xisaabtamayaan Shirkadda S.R.M iyo Hay’adda Duulistu”. Sidaa waxa lagu yidhi Warqaddan oo Qoraal ah oo uu ku saxeexan yahay Mareeyaha Hay’adda Duulista Somaliland Cabdi Maxamed Rodol.

 

 

Xigasho Wargeyska Madaxa Banaan Ee Foore

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews