berberatoday.com
“Xidhiidhka Soomaaliya Iyo Jabuuti Wuxuu Sii Ahaan Doonaa Mid Xooggan” Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Jabuuti
August 17, 2018 - Written by Berbera Today

Jabuuti(Berberatoday.com)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ka hadlay xidhiidhka Soomaaliya iyo Jabuuti oo todobaadyadii u dambeeyay uu mugdi galay, kaddib booqashadii Madaxweyne Farmaajo ku tagay Eritrea.

Related image

Dowladda Jabuuti ayaa niyad jab weyn ka muujisay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Asmara oo ahaa in baaq uu u jeediyay Qaramada Midoobey inay cunaqabateynta ka qaado Eritrea.

 

 

Qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ku sheegay in xidhiidhka Soomaaliya iyo Jabuuti uu sii ahaan doono mid xooggan.

Waxaa uu sheegay in booqashada Madaxweyne Farmaajo uu ku joogo Jabuuti, wada hadalka iyo la tashiga uu la leeyahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu dib u xaqiijin doono adkeynta xiriirka labada dal.

Mr Yusuf ayaa qiray xaaladihii adkaa iyo mad-madowgii galay xidhiidhka labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Wararka laga helayo Jabuuti oo maalintii labaad uu ku sugan yahay Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegayaa in wada hadalada u socda wafdiga labada dal laga soo saari doono war murtiyeed.

Diblomaasiyiin ku dhow dhow dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu u cudur daaray Dhiggiisa Jabuuti Madaxweyne Geelle hadalkii uu ka jeediyay Asmara, kaasoo ahaa waxyaabihii ay qoonsatay dowladda Jabuuti.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay dhex dhexaadin ka sameyso labada dal Jabuuti iyo Eritrea oo xilligan ay colaad dhex taalo, inkastoo aanay weli dowladda Jabuuti arrintan ka hadlin.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews