berberatoday.com
Xildhibaanno Guurti Ah Oo Doonaya In Golahadooda Dib Loogu Soo Celiyo Xeerka Kufsiga Oo Golaha Wakiillada Ansixiyey
August 17, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaano ka tirsan golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in xeerka kufsiga oo dhowaan ay ansixiyeen Golaha Wakiilladu qodobo ka mid ahi ka hor imanayaan shareecada islaamka, isla-markaana ku baaqay in la waafajiyo dastuurka.

Xildhibaannadan golaha Guurtida ayaa ku dooday in golahoodu awood u leeyahay inay ilaaliyaan Diinta, dhaqanka iyo nabadgalyada, hase-yeeshee xeerkan kufsiga lagu saleeyey dhaqankii reer Yurub.

Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan (Ilka-casse) oo xeerkan ka hadlaya waxa uu yidhi “Dastuurkeena waxa uu salkiisu yahay shareecada Islaamka, xeerkan Golaha Guurtida wuu soo maray waajibaadkiisa iyo tallo bixintiisa wuu ka gutay waxaanu ku saleeyey shareecad islaamka, goleyaashu uma shaqeeyaan hay’ado, laakiin waxay ku shaqeeyaan rabitaanka shareecadu islaamka, guurtidu markii uu xeerkan ka doodayey wuxuu iskugu keenay culimada iyo garsoorayaasha, kuwaas oo waafajisay shareecada islaamka, sidaas ayaa loogu celiyey golaha wakiilada, haddii uu wakiilladu wax ku beddel ku sameeyo waxa waajib ah in guurtida lagu soo celiyo (ee maaha in la ansixiyo)..”.

Xildhibaan Dayib Axmed Xasan ayaa isna ku doodaya qodobka awoodda u siiyey in xeerarka la soo mariyo waxa uu yidhi “Qodobka 61 ee dastuurka qaranka wuxuu sheegayaa awoodda golaha Guurtida oo ah dajinta xeerarka ku saabsan diinta, dhaqanka iyo nabadgalyada, gaar buu dastuurku noo siiyey, iyo dib u eegista xeerarka uu golaha wakiilladu soo ansixiyaan. Xeer kasta Waa in uu anaga na soo maro oo anagu u gudbinaa Madaxweynaha…”

Xildhibaan Cabdirixiin Sheekh Cumar fure ayaa sheegay in xeerkan qodobbo badan oo shareecada ka hor imanayaa ku jiro, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay in xeerkaasi dib loo soo celiyo si loo waafajiyo shareecada islaamka.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews