BOOBE Oo Mudanayaasha Golaha Wakiillada U Soo Jeediyey In Aanay Ka Fikirin Waxay Cuni Doonaan Oo Ay Kuraasta Banneeyaan
August 19, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa ka hadlay Khilaaf soo kala dhex galay Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, kuwaasi oo isku haysta War-bixin uu dhawaan soo saaray Guddiga dabagalka iyo ilaalinta Hantida Qaranka Golahaasi.
War-bixinta Guddigaasi soo saaray oo Musuqmaasuq ku eedaysay Masuuliyiin ka mid ahaa Xukuumaddii Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa Guddoomiyaha Golahaasi Md. Baashe Maxamed Faarax uu Raalli-gelin ka siiyey Shirkad Magaceeda lagu xusay War-bixinta Musuqmaasuqa la geystay ka hadlaysey, Raalli-gelintaasi oo ah halka uu ka bilaabmay khilaafka soo kala dhex galay Xildhibaannada Golahaasi ee qaarna taageersan yihiin War-bixinta, qaar kalena ka soo horjeedaan.