Dablay Hubaysan Oo Ka Soo Jeeda Qoomiyada Oromada Oo Shan Qaof Oo Soomaali Ah Ku Dilay Duleedka Magaalada Herer Iyo Magacyada Dadka La Laayay Oo La Shaaciyay
August 19, 2018 - Written by Berbera Today
Herer(Berberatoday.com)-Wararka naga soo gaadhaya waddanka Itoobiya gaar ahaan Herer ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay 5 ruux oo Soomaali ah.

5 tan ruux oo la sheegay in ay isku ehel ahaayeen ayaa dabley hubaysan oo Oromo ahi ay ku dileen duleedka magaalada Herer ee dalka Itoobiya waxaana lagu kala magacaabi jiray 5 tan ruux ee la laayay Sheikh Sayid Axmed (Sibawayihi), Shiine Cali Baadil,Maxamuyd Cali Baadil iyo labo wiil oo uu sheekh sayid adeer u yahay.