berberatoday.com
Hanti Dhawraha Dawlada Xamar Oo Sheegay Inuu Xafiisyada Farmaajo Iyo Khayre Baadhitaano Ku Samayn Doono”Baadhitaanada Musuqa Waxaan Ka Bilaabeynaa Xafiisyada Farmaajo Iyo Kheyre.
August 19, 2018 - Written by Berbera Today

Moqdisho(Berberatoday.com)-Hanti dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa Maanta kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka BJF Soomaaliya ,kaas oo ka dhacay xafiiska ay guddiga maaliyadda ku leeyihiin xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Hanti dhowraha guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa guddiga maaliyadda ee golaha shacabka la wadagay warbixin ku saabsan shaqada xafiiskiisa.

 

 

Hanti dhowraha ayaa sidoo kale guddiga ugu warbixiyay howlaha la xisaabtanka iyo ka hortagga musuq maasuqa ee uu ku sameynayo hay’addaha dowladda.

“Xafiiskeyga howlo muhiim ah ayuu wadaa, sida aad la socotaan waxa hada xeran oo baaris ay ku socotaa masuuliyiin ka tirsan hay’addaha dowladda oo arrimo musu maasuq lagu soo eedeeyay, kuwa kalena wa ku daba jirnaa”. ayuu yidhi hanta dhowraha qaranka.

” Sidoo kale waxa idiin balan qaaadaya in isla xisaabtanka aan wado inan gaarsiinayo xafiisyada sare ee dowladda sida xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, hada waxa socdo baaris kale oo aan ku wadno hay’addo ka tirsan dowladda”. ayuu yidhi hanti dhowraha qaranka.

Hanti dhowraha Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa guddiga maaliyadda ka codsaday iney kala shaqeeyaan meel marinta sharciga hanta dhowrka oo golaha wasiirada ay ansixiyeen.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga maaliyadda ee golaha shacabka Mudane Maxamed Aadan Macalin oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee uu wado hanta dhowrha, sidoo kale waxa ay ka codsadeen inuu sii laba jibaaro howlaha la xisaabtanka.

” aad baa u bogaadinaya howsha wanaagsan ee ka socota xafiiska hanta dhowraha, guddiga maaliyadda waxa uu balan qaadaya inuu la shaqeynayo hanta dhowraha si loo ciribtiro musuq maasuqa, sidoo kale sharciga hanta dhowraha wa ka shaqeyneynaa wixii talooyin ah wa ku biirineynaa”. ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka guddiga.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews