berberatoday.com
Shirkadda Dahab-Shiil Oo Galaafatay Xilkii Naasir Cali Shire Iyo Xildhibaanka Oo Ku Dul Ciyaarayey Raran Dushii
August 19, 2018 - Written by Berbera Today

“Xildhibbaanku Wuxu Sheegay in Khilaafka Soo Dhex-galay Isaga iyo Guddoomiyaha Wakiilladu uu Ka Dashay Arrinta Dahab-Shiil.”.

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa shalay xilkii guddoomiyenimo ka qaadey Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ahaa gudddoomiyihii guddida Daba-galka iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee Golaha Wakiillada ka dib markii uu soo bandhigay warbixin musuq-maasuq oo muujinaysa shakhsiyaad hore u soo noqdey wasiirro iyo shirkado gaar loo lee yahay oo ay warbixintu ku eedeynayso musuqmaasuq iyo iibka hanti dawladdeed.

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo la hadlay Wargeyska Waaberi, ayaa sababta keentay xil ka qaadistiisa la xidhiidhiyey shirkadda Dahab-Shiil oo uu carrabka ku dhuftay in ay ka mid tahay sababaha keenay xil ka qaadistiisa maaddaama ay hore warbixintooda musuqmaasuq ugu soo dareen Shirkaddaasi, waxaana uu tilmaamay in khilaafka soo kala dhex-galay isaga iyo guddoomiyaha Golaha Wakiillada uu ka bilaabmay shirkadda Dahab-Shiil.

Wargeyska Waaberi ayaa Xildhibaan Naasir Cali Shire su’aalay in uu shirkadda Dahab-Shiil u aaneynaayo xil ka qaadistiisa maaddaama uu ka hor yimid raalli gelin guddoomiyaha goluhu siiyay shirkadda, waxa uu ku jawaabay sidan:- “Haa.!. Waayo intii aanan guddoomiyaha isku dhicin isaga ayaa iga codsadey in ka guddi ahaan in aanu raali-gelin ka bixino arrinta Dahab-Shiil, deedna arrintaas kumaanan qancin guddi ahaan, guddoomiyaha na waxa aanu ka codsanay maaddaama guddidu go’aan gaadhay, golaha na loogga codeeyey in go’aankii guddida iyo golahu sidaas ahaado oo aanan waxba ka beddelin maaddaama go’aan gole uu yahay isagu na muu jecleysan sidaas awgeed baana uu u qaadey tallaabada ah in guddida na uu kala qeybiyo isagu na uu hadlo, markaa waxa aan odhan karaa Dahab-Shiil waa ka mid (sababta xil ka qaadisteyda) se maaha dhammaan ee waa ka mid uun.”.

Shirkadaha Ganacsiga Somaliland, ayaa awood ku soo dhex yeelanaya siyaasadda dalka, waxaana arrintan xildhibbaanku ay ka turjumeysaa sida ay iskugu milmeen siyaasaddii iyo ganacsigii Somaliland, iyada oo markii hore ba uu xildhibbaanku u muuqdey in uu yahay nin ku dul ciyaarayey raran dushii isla mar ahaantaana aanu hore ba u ogsooneyn khatarta kaga iman karta warbixinta ay soo bandhigaayeen ka guddi ahaan maaddaama guddoomiyihii hore ee guddidan Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama sidan oo kale xilka looga tuuray isaga oo ku hawlan baadhis Musuqmaasuq.

Siyaasi Boobe Yuusuf Ducaale ayaa la yaab ku tilmaamay in guddoomiyaha Wakiilladu raalli gelin ka bixiyo warbixin golihiisa martay taas oo ay ahayd in goluhu joojiyo warbixinta intii aan la baahin haddii khaladaad ku jiray.
Wargeyska Waaberi

Image may contain: 1 person, glasses

Xigasho Wargeyska Waaberi

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews