Sucuudiga Oo Hoggaamiye Kiristaan Ah Kudaray Dadka Sannadkan Uu Boqorku Lacagta Xajka Ka Bixinayo
August 19, 2018 - Written by Berbera Today
Beyruut(Berberatoday.com)-Martiqaad xajka ah oo ay dawladda Sucuudigu ugu deeqday guddoomiyaha Xisbiga the Lebanese Forces ayaa doodo xiise badan iyo muran ka dhex abuuray dadka reer Lubnaan iyo guud ahaan dunida muslimka. Guddoomiye Samiir Jacjac waa siyaasi Kiristaan ah oo hore madax uga ahaan jiray maleeshiyo kiristaanku lahaa oo dagaalladii sokeeye ee Lubnaan ka qaybqaadatay, dagaalka kaddibna isu beddeshay xisbi siyaasi ah.