Cabdirisaaq Cumaani Iyo Koox Dhagax Ugareysay Oo Laga Soo Caydhiyay Deegaamada Geelookor Iyo Bixin Duule, Ciidamo Boolis Ah Oo Goobta Tagay Iyo Dad La Soo Xidhxidhay
August 20, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Iska Hor Imaad Udhexeeya Ciidamada Booliska Gobolka Saaxil Iyo Dadka Deegaanka Geelookor Iyo Bixin Duule ee Kuyaala Jidka Magaalada Berbera uga Baxa dhinaca magaalada Burco Islamarkaana Masaafo 3o KM ujira magaalada Berbera ayaa saaka halkaas ku dhexmar.
Isku dhaca Booliska iyo dadka deegaanka ayaa waxa la sheegay inuu ka dhashay ismaan dhaaf ku dhexmaray deegaankaa Dadka Deegaanka Iyo Ganacsadaha Cabdirisaaq Cumaani oo buro deegaankaas kuyaala damacsanaa inuu dhagax macdana ka gurto isaga oo ruqsad ka soo qaatay Xukumada Sare ee Somaliland waxaanay dadka deegaanku ninkan Ganacsadaha ah ee Cabdirisaaq Cumaani usheegeen inaanay ogolayn in buraha dhulka ilaahay ku beeray inuu sife aan la garanayn uu dhagax uga gurto isaga oo aan la heshiinin dadka deegaanka ee ilaahay meesha ku beeray waxaana la sheegay inay taasi kaliftay inuu Ciidamada Booliska Gobolka Saaxil uu uqeylo doon tago isaga oo ku andacoonaya in buuraha deegaankaas Xukumadu soo siisay inuu dhagax ka gurto waxaana la soo raaciyay Ciidamo boolis ah kuwaas oo ah kuwa ay isku dhaceen dadka deegaanka waxaana dadka deegaanka laga soo xidhxidhay odayaal iyo dhalinyaro kamida kuwii ay iskau maandhaafeen Cabdirisaaq Cumaani gurashada Macdanta Buuraha Bixin Duule iyo Geelookor kuwaas oo ilaa hada ku xidhan Saldhiga dhexe ee Berbera.