berberatoday.com
Sylvestar Stallone Wax La,aan Darteed Waxa Uu Xaday Dahabkii Xaaskiisa Waxaanu Qiime Shaah Lagu Cabo Ku Iibiyay Eygiisii Uu Jeclaa Mudo Yar Kadibna Waxa Uu kamid Noqday Dadka Aduunka Ugu Caansan Ee Lacag Badan Haysta.
August 20, 2018 - Written by Berbera Today

Ma Jiro Qof Og Waxa Aad Awoodid Inaad Qabato Adiga Oo Kaliya Ayaa Og

Aad ayuu u shiiday illaaa uu gaaray inuu xado dahabka xaaskiisa oo uu iibsado. Nolosha ayaa aad ugu adkaatay illaa uu waayo meel uu seexdo. Wuxuu seexan jiray goobaha gaadiidka laga raaco ee magaalada New York. Ma awoodin inuu kiro iska bixiyo mana iibsan Karin cunto uu ku noolaado.
Noloshiisu waxay sii adkaatay markii uu isku-dayey inuu iib u geeyo Eeygiisa goob qamriga lagu cabo. Wuxuu waayey lacag uu ku quudiyo Eeyga markii dambana wuxuu isaga iibiyey $25 oo kaliya wuxuuna sheegay inuu goobta ka dhaqaaqay isagoo ilmeynaya.

Labo todobaad kaddib wuxuu arkay ciyaar feer ah oo u dhaxeysay Mohamed Ali Clay iyo Chuck Wepner halkaas oo uu ka helay dhiirigelin uu ku diyaariyo qoraalka Filinkii caanbaxay ee “ROCKY”

Wuxuu qorayey qoraalka Filinka 20 saacadood si uu u iibsado waxaana loo gaaray qoraalka $125,000 laakiin isagu wuxuu watay hal codsi kaasoo ah in qoraalka Filinka laga iibsado isla Filinkana uu ka noqdo Jilaaga ama ninka Filinku ku socdo. Wuxuu doonayey inuu Actor ama Jilaa ka noqdo ROCKY. Laakiin dadkii doonayey inay Filinka iibsadaan waa ka diideen waxayna doonayeen inuu Filinka Actor ka noqdo Jilaa la yaqaan.

Qoraalkii ayuu qaatay isagoo diiddan in Filinkiisa uu qof kale Jilaa ka noqdo, usbuucyo kaddib Shirkaddii Filinka rabtay ayaa ka siisay qoraalka $250,000 isna waa ka diiday waxay haddana siiyeen $350,000 haddana waa ka diiday. Waxay u sheegeen inay rabaan oo kaliya Filinka inuu ka iibsado laakiin aysan isaga dooneyn inuu Actor ama Jilaa ka noqdo. Wuxuu yiri Maya waa inaan ka mid noqdo dadka ku jira Filinka. Waqti yar kaddib shirkaddii waa ogolaatay waxayna uga iibsatay qoraalka Filinka $35,000 islamarkaana uu Jilaa ka noqdo.

Filinka ROCKY wuxuu noqday Filimada ugu hadal-haynta badan dalka mareykanka isna Actorka ugu wanaagsan ayuu isla Filinkaas ku noqday. Wuxuu aad u jeclaa Eeygiisa uu duruufta darteed isaga iibiyey. Goobtii qamriga ee uu ku iibiyey Eeyga ayuu taagnaa 3 maalmood isagoo sugaya in la soo marsiiyo Eeyga wuxuuna meel kore ka arkay ninkii uu ka iibiyey oo wata Eeyga kana codsaday inuu dib uga iibsado Eeyga maaddaama uu duruuf markii hore isaga iibiyey gorgortan kaddibna waxaa laga siiyey $15,000 isla Eeygii $25 horey looga siiyey.

Maanta ninkaas waddooyinka seexan jiray dahabka xaaskiisa ka xaday Eegeygiisana iska iibiyey markii uu waayey wax uu siiyo waa mid ka mid ah Jilaayaasha ugu magaca-dheer adduunka.

Jilaagan dhibaatada adag la kulmay Sylvestar Stallone Ama Rambow isaga oo arintaa ka hadlaya waxuu yiri sidan:

“Dadku waxay doonayaan wax-soosaarkaaga laakiin adiga kuma rabaan. Waa adduun qallifsan. Haddii aadan horey caan u ahayn ama taajir dhib badan ayaad la kulmi doontaa. Albaabadu waa kaa xirnaan doonaan. Dadku waxay xadi doonaan farxaddaada waxayna burburin doonaan rajooyinkaaga. Waxaad noqon doontaa qof aan waxba haysan waxaadna qaban doontaa shaqooyin yaryar si aad nolosha u samata-bixiso-

Ma awoodi doontid inaad noloshaada quudiso waxaana hooy kuu noqon doona waddooyinka waana wax dhacay laakiin marnaba ha u ogolaan inay burburiyaan riyooyinkaaga wax kastoo kugu dhaca, sii wado riyadaada xataa haddii ay rajooyinkaaga kaa burburiyaan. ma jiro qof og waxa aad awoodid inaad qabato adiga oo kaliya ayaa og. Dadku waxay xugmiyaan muuqaalkaaga iyo waxa aad haysato-

Marnaba ha isdhiibin xataa haddii ay kula gaarto inaad dharkaaga iibiso oo aad Eeyaha la seexato laakiin inta aad nooshahay sheekadaadu ma dhammaan”

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Sylvestar Stallone Ama Rambow
Translated From Sunny Martin

Waxaa Turjumay: Bashiir maxmud

Image may contain: 1 person, standing, ocean, sunglasses and outdoor
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews