berberatoday.com
Doofaarka Dalka Spain Oo Ku Nool Oo Ka Tiro Batay Dadkii Iyo Wallaaca Deegaan Ee Ka Dhashay
August 21, 2018 - Written by Berbera Today

Madrid(Berberatoday.com)-Doofaarada ku nool dalka Spain ayaa ka tiro badan dadka dalkaasi, marka loo eego tirakoobka ay faafisay Wasaaradda Deegaanka, taasoo sheegtay inay 50 Milyan oo doofaar ay maanta ku nool yihiin, kuwaasi oo 3.5 milyan dheer dadka ku nool.

doofaarkaWaxaanay xogtu sheegaysaa inay tirada ku korodhay doofaaradu ay gaadhayso 9 milyan, laga soo bilaabo 2013. Waxaanay tani walwal badan ku abuurtay khubarada deegaanka dalkani. Waxaanay Spain soo saartay 4 bilyan oo tan oo hillib doofaar ah, iyagoo ka hela dhaqaale gaadhay 6 bilyan oo bawn sanadkii.

Dhaqashada doofaarka ayaa la sheegayaa inay suququl gelinayso biyihii dalka oo biyo-yaraan laxaad leh oo abaaraha ka dhalatay ay sannadahan dambe soo food saartay. Waxaana halka doofaar isticmaala 15 litir oo biyo ah maalin walba, taasoo marka la isku geeyo biyaha ay Wershadda Doofaaradda dhaqdaa ay siiso doofaarada aad ogaaneyso inay ka badan tahay biyaha ay isticmaalaan dadweynaha ku nool  Magaalooyinka Gobolka Zaragoza ee dalka Spain.

Marka laga tego, khataraha deegaan ee la sheegay inay tiro badnaanta doofaarku keentay, waxa jirta inay isla sannadkani ay Shirkadaha soo saara hillibka Doofaarka ayey soo food saartay fadeexad ganacsi. Markii dukaan hillibkani iibiya oo ku yaal dalka Faransiiska uu mid ka mida macaamiishiisu uu ka helay bileyska usoo bandhigay badeecad qudhuntay oo dirxi ku dhashay.

Bileyska dalkaasi iyo hay’adaha fayo-dhawrka cuntada ilaaliya ayaa baadhitaanka ku sameeyay waxay arkeen 50tan oo qudhmay iyo noocyo hore loo mamnuucay oo ka mida hillib-doofaarka wershadaysan oo dib looga soo beddalay magacii iyo suuqii oo lagu iibinayo.

Wershaddaha dhaqa doofaarka ee dalka Spain ayey shaqaalahoogu shaqo-joojin baahsan sameynayeen sanadihii ugu dambeeyey, Kuwaasoo ka cabanayay xaaladaha iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan, Dadka inta badan ka shaqeeya ayaa u badan dadka soo galeytiga ah ee Afrika ka yimaadda, kuwaasoo intooda badani la sheegay inay muslim yihiin.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews