berberatoday.com
Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Xaaladaha Siyaasadeed Iyo Bulsho Ee Dalka
August 23, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa ka hadlay aragtidooda ku waajahan xaalada siyaasadeed ee dalka, sida Siyaasada Arrimaha Dibadda, Siyaasada Arriamha Guddaha, Qabyaalada, ilaalinta hantida umadda, Haamaha Shidaalka ee gacanta Dawladda dib loogu soo celiyey iyo qodob kale.

Xildhibaanadan oo siyaabo kala duwan ugu waramay wargeyska Geeska Afrika, ayaa farriimo waano iyo baaq ah u diray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo shacabka.

Xildhibaan Cartan

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan,ayaa isagoo ugu horeyn ka hadlaya ilaalinta hantida umadda wuxuu yidhi  “Hantida Umadda ama Hantida Qaranka, cid gaar ahi ma leh, guud ahaan Umadda reer Somaliland ayaa wada leh, in Masuul kasta oo xil haya ama xil qabtaa inuu xil gaar ah iska saaro ilaalintooda ayaa haboon, oo muhiim ah, dhab ahaan waxay umaddu wada leedahay in cid gaar ah sifo sharci daro lagu siiyo waa qayrul sharci, Madaxweynahana talaabadii uu qaaday ee uu Qaranka dib ugu soo celiyey Raasigii Dekadda Berbera, Haamihii Shidaalka, Barkinkii iyo Amaankii Madaarka, aad baa loo soo wada dhaweeyey, guud ahaan Umadda reer Somaliland wey ku faraxday,markaas Madaxweynaha waxaan leeyahay halkaas ka sii wad dadaalkaaga,”

Xildhibaan Siciid Cartan mar uu ka hadlaayey Qabyaalada ayaa yidhi“Guud ahaan Shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay ka dheerada qabyaalada, qabyaaladi waxba tarto, waxaana leeyahay Bulshada reer Somaliland meel kasta oo aad joogtaan ka digtoonada qabyaalada oo aad si xun u isticmaashan,qaranimada ayeynu wax ku wada nahay, ee qarimada iyo midnimada iyo waliba isku duubniada ayeynu ku dadaalno, oo danta qarankeena wax walba aynu ka horeeysiino, nabadgalyadana aynu wada ilaashano,”.

Xildhibaan Xoog

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha ayaa wuxuu yidhi  yidhi “Madaxweyne waxaan leeyahay wax walba oo ay dadku tabanayaan wax ka qabo, digdig iyo hanjabadi haddii ay wax ku soconayaan dawladdii Siyaad Barre ayaa ku socon lahayd, waxaad mooda in Gobolka Sanaag oo ah Gobolka ugu weyn dalka inuu faraha ka sii baxayo, waxaan ku talin lahaa inuu Madaxweynuhu dadka nabada ehelka u ah ee Dawladda, sida Golaha Wasiiradda, Golaha Barlamaanka ee Guurti iyo Wakiilo leh,Axsaabta Qaranka, iyo cid kasta oo u saaxiba Siyaasada iyo caqliga saliimka ah iyo nabada,  inuu la kaashado arintan, arintii Ceel-afweyn si fiican baa loo soo dhammeeyey, balse wali tabashadii dhinaca Ciidanku wey taagan tahay,sidoo kale waxaan leeyahay Madaxweyne, umadda adiga ayaa Madaxweyne u wada ah ee isku soo dhawee, oo ka tali wanaagooda iyo wada jirkooda”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo ugu horeyn ka hadlaya Qabyaalada ayaa yidhi “Qabyaalada oo si khaldan loo isticmaala, waa wax aad u xun, qabyaaladuna inay dadka kala fogeyso mooye, dadka iskuma soo dhaweeyso, in Ciidanka Qabyaaladu gashana, waa wax aad fool xun, Koreenaladan baxaya waxbay tabanayaan, Ciidamada oo loo baahan yahay inay mar walba isku duubnadan ma wanaagsana inay qabyaalada iyo gobolaysigu soo dhex galaan, Madaxweynahana waxaan leeyahay daawe, oo waxay tabanayaan daawe, oo wax ka qabo, waxaana uga sii daray hanjabadii uu Wasiirka Gaashandhigu uu yidhi xoog baanu Caare wax kaga qabanaynaa, arinkaasina arin wanaagsan muu ahayn, ta kale anigu waxaan odhan lahaa, oo aan ku talin lahaa Puntland, hanjaab iyo cago juglayn waxba ku qaadi maysaan, Wasiirka Amniga ee Puntland-na, waa kii ku dhaaranayey inay Somaliland weerarayaan, waxaana leeyahay dagala wiil kuma dhasho ee wiil baa ku dhinta, Somaliland gacmaha baruur kuma sidato, hanjabaadna waxba lagagama qaado, waxaana leeyahay Puntland dhex-dhexaadintii IGAD, Midawga Afrika, iyo Qaramada Midoobay ina dhex-dhexaadinayey, in nabadgalyo wax lagu dhameeyo ayuu arinku ahaa, ee Madaxweynaha Somaliland waxaan leeyahay arinka daji, Puntland waxaan leeyahay arinka dajiya, oo anagu Somaliland ahaan gardaro iyo xad gudub ma wadno, ee idinku joojiya gardarada iyo cago juglaynta waxba ku qaadi maysaane”

Xildhibaan Kijaandhe

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, oo isagu ah Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ayaa yidhi “Dadka reer Somaliland, waa dad wanaagsan, oo dalkooda jecel, oo nabadooda jecel, waxaana ugu baaqayaa, in isku duubnidooda iyo midnimadooda ka wada shaqeeyaan mar walba, Somaliland waa dal dhisan, waxaana ka maqan oo qudha waa Ictiraaf, isha allaah Ictiraafkaasna weynu gaadhi doonaa, oo Ciidan Ciideeda insha allaah waxay inoo soo gali doontaa iyadoo dalkeena la ictiraafsan yahay, muhiimaduna waa in la iska kaashado, oo aynu ka wada shaqeeyno sidii dalkeena loo Ictiraafi lahaa, Caalamkuna uga marag kici lahaa dawladnimadeena iyo jiritaanka dalkeena iyo dadkeena”.

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe ayaa isagoo baaq  diraayey yidhi “Nabadeena iyo xasiloonida dalkeena, waa in la adkeeya, waa in laga dheerada wax kasta oo hagardaamo iyo dhib ku ah dalkeena, waa in laga dheerada wax kasta oo ina kala kaxeeyanaya, hogaanka dalkuna ha isku soo jiido dadka”.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews