berberatoday.com
Xukumada Somaliland Oo Garoonka Diyaradaha Hargeysa Ee Cigaal Ku Qabatay Laba Wasiir Oo Baxsad Ah Oo Katirsanaa Xukumadii Dhacday Ee Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya
August 23, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ku qabtay laba xubnood oo ka tirsanaa maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar, ee dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Labadan wasiir ayaa kala ah wasiirkii hore ee waxbarashada Ibraahim Aadan Mahad oo ku magac dheer Ibraahim Sacab iyo wasiirkii caddaaladda Cabdi Jamaal Axmed Qaloonbi kuwaas oo la tuhunsanyahay inay baxsad yihiin lamana garanayo ilaa hada halka ay geysan xukumada Somaliland ee garoonka diyaradaha Hargeysa ka qabtay labada wasiir ee Xukumadii ay katirsanaayeen ee Cabdi Maxamud Cumar Ilay laga Takhalusay ilaa hadana wax wara kamay soosaarin Xukumada Somaliland hase yeeshee warar laga soo xigtay sarkaal katirsan wasaarada arimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay in labada Wasiir markii laqabtay ay sheegteen inay yihiin ganacsato xoolaha dhoofiya oo udhashay dalka Somaliya.

Labadan Wasiir ee loo malanayo inay ka baxsanyeen jariimadii ay shacabkooda ka galeen ayaa la sheegayaa inanay sife sharciya kusoo galin dalka Somaliland iyaga oo dhinaca dhulka kasoo galay gaar ahaan xuduudka Wajaale sidoo kale wararku waxay sheegayaan in saaka markii lagu qabtay garoonka diyaaradaha hargeysa labada wasiir ee hore ay damacsanaayeen inay udhoofaan dhinaca magalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

Wasiiradan ayaa loo malaynayaa inay katirsanaayeen Masuuliyiintii dhibatada ba,an ugaysan jiray Shacabka dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya ee ka amar qaadan jiray Madaxweyne Cabdi Ilay oo hada la sheegayo in lagu maxkamadaynayo danbiyo jariimada uu shacabkiisa ka galay mudadii uu xilka hayay.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews