berberatoday.com
Mucjiso ALLE Tusay Xujaydii Sannadkan Maalintii Buurta Carrafa La Taagnaa Iyo Waxay Aheyd
August 24, 2018 - Written by Berbera Today

Makkah(Berberatoday.com)-Xujayda muslimiinta ah ee sannadkan gudanayay waajibaadka Xajka oo ka mid ah tiirarka Islaamka, ayaa maalintii ay taariikhdu ahayd 09/12/1439 sannadka hijriga, oo ay taagnaayeen buurta Carrafa, waxa ayaa la kulmay arrin mucjiso ah, taas ah mid ka mid ah awoodaha ALLE (SWT).

 

 

Xujaydii sannadkan ayaa maalintii sagaalaad ee la taagnaa buurta Carrafa, ayay mar keliya shucuurtoodu is bedeshay oo takbiir iyo digriga ALLE oo codadka dadko oo dhan mideeyay uu is qabsaday, kadib markii ay cirka sare ka arkeen daruur magaca ALLE ku qoran oo dushooda taagan oo aan ka dhaqaaqayn.

Dadloo xujayda ahaa ee taagnaa buurta Carrafa, ayaa markii ay arkeen magaca ALLE oo cirka isku qoray, waxa ay mar keliya isku dareen Takbiir iyo digri ay ka muuqato shucuur ALLE ka cabsi iyo is dhul dhig ah, taas oo ay ALLE ku baryayeen isla markaana ay addoonmidooda ku muujinayaan.

ALLE (SWT), ayaa leh awoodda iyo maamulka circa, dhulka iyo waxa u dhexeeya, waxaanay wax waliba ku socdaan amarkiisa oo keliya. Mucjisooyin badan oo ALLE oo keli ahi uu awoodo ayaanay mar kasta la kulmaan addoomihiisu, kuwaas oo muujinaya in ALLE yahay Rabbiga koonka.

Mucjisada magaca ALLE ee cirka isku qoray maalintii sagaalaadka ee Carrafa xujaydii taagnayd ay aragtay, ayaa ah mid ka mid ah waxyaabaha ku cibro qaadashada ah ee aanay awoodin in ay dadku sameeyaan isla markaana cid kasta oo caqli leh oo maankooda ka shaqaysiisa ay wax ku qaadan karto, kuna qiri karto Tawxiidka ALLE. Waana mid ka mid ah aayadaha ALLE ee inagu boorrinaya in ayu u hoggaanno amarka RABBI, iyo ku dhaqanka diinteenna suubban ee Islaamka.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews