berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Jabhada Uu Hogaaminayo Korneyl Caare Oo Dhacay Gaadhigii Ambulanceka Gargaarka Caafimaadka Ee Degmada Xeebta Ah Ee Xiis+Daawo Sawirada
August 24, 2018 - Written by Berbera Today

Sanaag(Berberatoday.com)-Jabhada Nabad Diidka ah ee uu hogaaminayo ninka falaagada ah ee Korneyl Caare ayaa maanta duhurkii dhacay gaadhigii  Ambulance-ka ahaa ee Degmada Xiis ee Xeebta ah iyagoona aan la garanayn meel ay la tageen.

gaadhigan  Ambulanceka ah ayaa waxa ay ka kaxaysteen deegaan miyiya oo masaafo kooban ujira magaalada Xiis halkaas oo lagaga soo qaadaayay Hooyo uur lahayd oo fool qabtay habeenadii udanbeeyay oo umuli weyday xiliga gaadhiga la dhacaayay muu sidan hooyada uurka lahayd sida ay sheegayaan wararka aanu deegaankaasi ka helay waase uu kusii socday gaadhigu.

Ciidanka Korneyl Caare ee gadhigan dhacay ayaa waxay wateen gaadiid kale oo gaashaaman oo qoryo saaran yihiin waxaanay kasoo baxeen buuralayda Gobolka sanaag waqooyiga kaga beegan halkaas oo inta badan la sheego inay ku dhuumaalaysanayaan Jabhada Nabad diidka ah ee Ninka Caare layidhaa Hogaaminayo.

Waxyaabaha layaabka leh ee ku lamaanaa dhacay baabuurkan  Ambulanceka ah ayaa waxa kamida in raga Budhacada ah ee jabhadaas kujiray ee gaadhiga dhacaayay ay qaarkood siteen garamo uu ku sawiranyahay Musharaxii xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro iyo astaamaha xisbigaas Waddani taas oo fadeexad weyn ku ah xisbiga qaran ee kooxaha budhacada ahi ku adeeganayaan calaamadihiisa ugaarka ah taas oo waji kale keeni karta hadaan Xisbiga Waddani jawaab cad ka bixinin arinkaas.

Inkastoo ay Maryo la xidhan karo yihiin Maryuhu haddana Waa wax dareenkooda wata marka aanu Xisbiga Waddani hore uga hadal jabhadaas ka dilaacday bariga Gobolka Sanaag.

gaadhigan  Ambulanceka ah ee Jabhada Korneyl Caare dhacday ayaa adeege u ahaa hooyooyinka danyarta ah ee Uureyda ah iyo cid kasta oo deegamadaas ku nool oo xaalad deg Deg Ah oo caafimaad daro la soo daristo waana fadeexadii ugu culuslayd ee Jabhad ku sheega uu Caare hogaamionayaa ku kacaan waxaana looga fadhiyaa xukumada inay gacan Bira kusoo qabato kooxahaa budhacada ah ee dalka Khalkhalka galinaya.

Hore ayaa waxa ay kooxdaasi afduub ugu geysteen Baabuur ay lahaayeen baanka Magaaladda Ceergaabo, kaas oo sidii lagu waayay, gacanta u galay Jabhadda uu hogaaminayo Kornayl Caarre.

Xukuummadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaan weli ka hadal qorshaha uga Meel yaala Jabhaddan iyo falalkan ugu danbeeyay ee ay ku dhaqaaqeen midnaba.

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews