berberatoday.com
Jilaaga Caanka Ah Ee Jackie Chan Oo Walaac Ka Muujiyey Wiil Uu Dhalay Oo Caadaystay Ka Ganacsiga Daroogada
August 25, 2018 - Written by Berbera Today

Tokyo(Berberatoday.com)-Jilaaga caanka ah ee Filimada Hollywood Jackie Chan ayaa walaac weyn ka muujiyey mustaqbalka nololeed ee wiil uu dhalay oo caadaystay ka ganacsiga Daroogada kaasi oo dhawaan saxaafadda dunidu warisay isaga oo lagu qabtay Daroogo uu tahriibinayay isaga iyo nin kale oo caanku ah ka ganacsiga daroogada oo u dhashay wadanka Taiwan.

 

 

Jackie Chan oo la hadlayay BBC qaybteeda Asia ayaa sheegay in uu ka werwersan yahay wiilkiisa Jycee Chan oo 34-jir ah oo wakhtigan xabsiga ku jira kadib markii lagu qabtay daroogo. Dhawaan ayay ahayd markii Wiil uu dhalay jilaaga caanka ah ee dalka Shiinaha u dhashay ee Jackie Chan loo xidhay daroogada loo yaqaan Marijuana, isagoo ku dhex haysta gurigiisa oo ku yaal magaalada Beijing. Jaycee Chan oo 34 jir ah iyo nin u dhashay dalka Taiwan oo la yidhaa Kai ko oo 23 jir ah kaasi o oo la sheegay in uu ka mid yahay koox dhallinyaro ah oo ka ganacsata daroogada. Laban nin ayay ciidamadu ku qabteen daroogo qiimaheeda lagu sheegay kumanaan kun oo dollar.

Wiilkan uu dhalay jilaaga u dhashay Hong Kong, kaasoo caan ku ah filimada dagaalka iyo majaajilada isugu jira, sharafbadana ku dhex leh dalka Shiinaha iyo Maraykankaba ayaa arrintan karaamada qoyskiisa waxyeelaysa waxa uu ku tilmaamay in ay taha dhibaatadii ugu cuslayd ee soo waajahda qoyskiisa isagoo sheegay in uu ka xun yahay falkaasi inankiisu ku kacay. Jaycee oo ku koray, kuna dhashay dalka Maraykanka laf ahaantiisu waa jilaa, isla markaana fanka caan ku ah, inkastoo filimadiisu aanay noqon qaar guulaystay.

Ciidammada bilaysku waxay xaqiijiyeen in lagu qabtayxashiishadaas, markii la baadhayna labada jilaa la ogaaday in laf ahaantoodu ay isticmaaleen kana ganacsanayeen. Jilaagan da’da yar aabbihii Jackie Chan, ayaa caddeeyey in aanu wax dhaxal ah siinayn wiilkiisa, balse maalkiisa uu ugu deeqi doono dadka baahan si uu inankiisa ugu qasbo inuu tabcado hanti uu iskii u leeyahay.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews