berberatoday.com
Milicsiga Heerka Aqooneed iyo Hadimada Maamulaha Madaarka Cigaal: Maqaalka Kowaad W/Q Maxamed Beddel
August 25, 2018 - Written by Berbera Today

Iyada oo Somaliland tahay dal dimuqraaddi ah, waxa aan cabbiri doonaa dareenkayga ku aaddan waxqabadka iyo waxyeellada dhallinyaro ay xukuumaddii hore u samaysatay dadka Hargeysa/Sallaxley/Balli-mataan, oo caan ku ah “Jin-dagaagay”. Si gaar ah waxa aan maanta u soo gudbin doonaa faallo ku saabsan Maamulaha Madaarka Cigaal Md Maxamed Yuusuf Ismaaciil.(Dhidar)

Sannadkii 2011ka ayuu noqday hawl-wadeen ka tirsan wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland. Sida xeerku dhigayo laguma qaadan imtixaan, aqoon iyo shaqo la xayaysiiyay midnaba. Qof-jeclaysi iyo qaraaba-kiil ayaa lagu doortay. Waxa u ergeeyay adeerkii oo ay muddo dheer golaha wakiillada ku wada jireen Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi.

Durbadiiba waxa uu noqday adeege ku wanaagsan wargudbinta, iska dhaadhicinta, raxlaynta iyo summadaha ay jecel yihiin madaxda xilka ka hayaa. Markii uu socday dib-u-dhiska madaarku (2011-2013) waxa uu shaqaalaha joogtada ah ee madaarka Cigaal sida kuwa korontada ku odhan jiray “Ii soo sheeg marka wasiirku soo laabto gelinka dambe”, isla qacda uu xogtaas helo ayuu gegada iman jiray. Waxa uu markaas iska dhigayay nin shaqada daacad u ah oo labada gelinba adeega, isaga oo aan qaadan gunno dheeraad ah.

Meelihii kowaad ee uu ka adeegay waxa ka mid ahaa kamaradaha ilaalada gegada CCTV, halkaas oo uu uga sii gudbay madaxa nabadgelyada. Ugu dambaynna badhtamihii 2013ka ayaa loo xulay Maamulaha Madaarka Cigaal.

Milicsiga Geeddigii Waxbarashada ee maamule (Dhidar)
Isaga oo da’ ahaan nin weyn ah ayaa uu ka yimi deegaanka Uubaale oo ay qoyskoodu reer miyi ahaan u degganaayeen, kaddibna waxa la qoray dugsiga Qudhacdheer. Maadaama oo uu ka weynaa ardayda lodkiisa ah, waa uu sii wadi kari waayay aqoonta dugsiga hoose/dhexe. Waxa loo boodsiiyay dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali kaas oo uu 2009kii kaga mid noqday waxa loo yaqaanno Indha-caddaynta.

Waayadaas waxa ay wasaaradda waxbarashadu qaadi jirtay imtixaan loo yaqaanno “Half GC” kaas oo ay mari jireena ardayda ka gudbaysa fasalka 2aad ee dugsiga sare. Maadaama oo aanay aqoontiisu dhisnayn, waxa uu geli kari waayay jirrabkaas. Sidaas awgeed ayuu hadda mar kale u baalmaray geeddiga aqooneed. Jaamacadda Hargeysa ayuu sifo leexsan ku galay. Kulliyadda ICT ayuu arday ka noqday.

Halkaasna waxa uu kala kulmay caqabad kale. Maaddooyinka adag ee xisaabtu ka mid tahay waxa u geli jiray arday lodkiisa ah ama kuwo aan dhigan jaamacadda Hargeysa. Isaga oo taxanihiisa waxbarasho sidaas yahay, la-yaab malaha in aynu aragno isaga oo aqoondarro ku caayaya Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud, waayo waxa uu ahaa gardarro garab og. Isaga oo taxanihiisa cilmigu sidaas yahay ayuu metelaa bulsho wada waayo-arag iyo wax-aqoon ah.

Hadimada Maamulaha Madaarka Cigaal
Waxyaabaha lagu xasuusto Maamulaha Madaarka Cigaal Md Maxamed Yuusuf Ismaaciil (Dhidar) waxa ka mid ah:
1. Waxa uu door ka qaatay musuqii baahsanaa ee ka dhacay wasaaradda duulista. Caddaymaha arrinkaas maragga u ah waxa ka mid ah bangalaha uu ka dhistay dhinaca bari ee Scandinavian Hotel ee magaalada Hargeysa. Miyaa uu mushaharkiisu dhisi karaa guriga aan sawirkiisa soo bandhigay?

2. Waxa uu ka mid ahaa dadkii doorka ka qaatay in dhul 13KM ah laga qaado deegaanka Masallaha. Kaas oo madaarka lagu ballaadhiyay. Maxamed Yuusuf waxa uu cagta hoosteeda geliyay dadkii rabay in dhulkooda loo qiimeeyo ama dhul beddel loo sameeyo. Marka laga yimaaddo ragga, waxa uu xidhxidhay dumar dumaashi u ah oo inaadeerkii qabo.

Dadkaas waxa ka mid ah xaaska Shanfool Xaashi Guuleed oo abti ruma u ah Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi. “Aniga i xidhaye, maxaa dumaashidaa kuu geeyay?” ayuu ku garnaqsaday Shanfool Xaashi oo ah Guddoomiyaha Beeralayda Uubaale. Dadkaas waxa lagu eedeeyay in ay jarjareen siligga madaarka, eeddaasna wax caddayn ah looma helin. Muddo ku dhaw 20 cisho ayay liinta ku cabbayeen rugta madaarka.

3. Waxa uu ka mid ahaa adeegayaashii dartood loo beddelay Wasiirradii ka dambeeyay Maxamuud Xaashi sida Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Cumar Maxamed Faarax. Markii ay xilka wasaaradda duulista hayeen wax ka yar afar bilood ayaa mid kastaba laga beddelay kobtaas. Waxaana sabab u ahaa khilaaf soo dhex galay iyaga iyo diraneyaal uu wasaaradda ku beertay Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.

4. Kaalin weyn ayuu ka qaatay isku-dirka xukuumadda iyo dadka deegaanka. Lama tirin karo inta jeer ee uu sharci-darro ku xidhay dad aan waxba galabsan, sirdoonka uu ku wareejiyay ama xorriyaddooda loo celiyay iyada oo aan daw la marin. Saw kama war haysaan gacan-ka-hadalkii, feedhkii iyo duudsigii uu ku sameeyay Majaajilaystaha caanka ah ee Ajakis oo ka shaqeeya Universal TV “Nin dheer oo madaw, malakul-mawd aa mooddo, acuudu billah ayuu lee ahaa” ayuu Ajakis yidhi.

5. Intii uu xilkan hayay waxa uu galay ganacsiyo door ah oo ay ka mid yihiin furitaanka sarrifle ku yaalla madaarka Cigaal iyo in hab xeerka baalmarsan loo dhoofiyo dad u socdaalaya dhul aan ammaankiisu sugnayn.

Maxamuud Biixi Cali Weyrax oo muddo dheer ka tirsanaa Wasaaradda Duulista, gaar ahaanna ka shaqayn jiray madaarka Berbera oo ay xigaal yihiin Maamulaha Madaarka Hargeysa ayaa lagu yidhi “Maxaad xil u doonan weyday?”. Wuxuu yidhi “Shaqooyinka uu Maxamed Yuusuf (Dhidar) qabto ayaanan qaban karin”

La soco in shaa Allah qaybta labaad
Maxamed Beddel

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews