Wasiir Hore Uga Tirsanaa Maamulka Putland Oo Sheegay In Madaxweynaha Maamulkaasi Damaanad Qaaday Dhaqaalaha Ku Baxaya Xaalada Daryeelka Caafimaad Ee Ex Wasiir Cali Sandulle Iyo Eheladiisa Oo Loogu Baaqay In Garowe Loo Qaado
August 25, 2018 - Written by Berbera Today
Garowe(Berberatoday.com)-Wasiir ku-xigeenkii hore ee maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan), ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland kafaalo qaadayo qarashka ku baxaya xaaladda caafimaad ee siyaasi Cali Sandulle oo Hargeysa ku xannuunsanaya.
Qawdhan, ayaa ehelada Sandulle ugu baaqay in ay u soo qaadaan Garoowe si dhakhtar dabadeed loogu qalqaaliyo.
Dhawaaqan kasoo yeedhay Wasiirka Hore Uga Tirsanaa Maamulka Xukumiga ah ee Dawlada Putland ee uu hogaamiyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaawac weyn,Dhiig bax iyo dhegxumo ku ah guud ahaan qaranka Somaliland ee uu magaca iyo maamuuska ku lahaa Ex Wasiir Cali Sanduule oo ah ninki gacanta Somaliland kusoo celiyay Gobolka Sool Xiligii Xukumadii Dahir Rayaale Kaahin Hogaaminaayay 2007kii islamarkaasna laga saaray Ciidamo iyo Maamul halkaas ujoogay Putland waana masuulka Guushaas ku calamadsan maadama uu ahaa Gudoomiyihii Gobolka Sool oo xiligaas uu fadhigiisu ahaa Magaalada Caynaba;