Xukumada Somaliland Oo Itoobiya Ku Wareejisay Gadiid Lala Soo Baxsaday Xiligii Rabshaduhu Kasocdeen Jigjiga
August 26, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumada Somaliland ayaa maanta ku wareejisay dawlada Itoobiya baabuur lala soo baxsaday intii rabshaduhu ka socdeen Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya.
Baabuurtan ayaa tiradoodu gaadhaysaa dhawr iyo Toban baabuur oo kala duwan, Waxaana lagu soo kala qabtay Gobolada Togdheer, Awdal, Gabilay iyo Maroodi-jeex.
Wareejinta Baabuurtan ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Cabdi iyo Taliyaha Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan waxayna sheegeen inay heegan ku jireen intii qalaasuhu ka socday Jigjiga ayna isha ku hayeen gaadiidka soo talaabaya sidoo kale waxay umahad celiyeen ciidamada Booliska Somalilad sidii wacnayd ee ay uga hawlgaleen soo qab qabashada Baabuurtan maanta la wareejay.