berberatoday.com
Berbera”Cabsi Laga Qabo In Mar Kale Shidaalkii La Xayiray Ee Xabagta Lahaa Dib Ugasoo Baxo Haamaha Shidaalka Berbera Iyo Sababta Soo Sareysa Oo La Ogaaday
August 27, 2018 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Sanadkan Horaantiisii ayay ahayd markii dalka la keenay shiidaal wasakhaysan oo xabag leh kaas oo waxyeelo iyo khasaare bahsanugaystay gaadiidka Yaryar ee Batroolka ah

Hadaba Khatartii Shidaalka Xun oo wali Kasii Guuxaysa darwalada Baabuurta Ayaa Xiligan waxaa walaac   ka Jiraa in Shidaalkaasi Mar labaad  Debada Uga soo baxo Haamaha Shidaalka Berbera,

Illo Xog Ogaala Ayaa sheegaya in Shidaalkaasi oo Mudaba  Ku xayirnaa haamaha Shidaalka Berbera  in Maamlimihii u danbeeyay  qaybo kamida oo Lagu Badhxay Shidaal Nadiifa ahaa Laga soo iibiyay kaalmaha shidaalka ee wadanka qaarkood qorshahaasna ay soo dajisteen shirkadihii Maamulka Hamaha haystay ee dhawaan Madaxweynaha Somaliland ruqsada kala noqday.

Mid kamida darawalada baaburrta yar yar o Magciisa la Yidhaa Cabdi cabdilaahi Ayaa warbaahinta u Sheegay in gaadhigiisii  ka hashkadeeyay   Shidaal xuna Laga Iibiyay, Inakstoo Aanu carabka Ku Dhufan kaalinta ka Iibisay.

Hadaba  Darwalada Baabuurta yaryar Ayaa ka Baqo qaba  in Shidaalkaasi Mar Labaad Si xawli ah  suuqa usoo galo Wxaanay Ku sababaynayaan  Maadaama ay wali gacanta Kusii hayaan  Maamulkii Shicibka ahaa    kaydka haamaha shidaalka berbera dhawaana ay dawlada ku wareejin doonaan.

Ilaaa Intii ay Soo baxday warqadii madawynuhuna  dalka wax shidaal ahi ma Iman taasaana Keentay walaaca Xoogan ee Laga qabo in Shidaalkaa Xumaa baabuurta laga iibiyo, dabcana  Sida ay warbaahinta Gobolka Saaxil xog Ku Heshey Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Eng Axmed Cisman Xasan ayaa la sheegay inuuu uyeedhay Maamulka Kumeel gaadhka ah ee Sii haya shaqada haamaha Shidaaalka Berbera Maxamed Jaamac Waxaanu Uga Digay in aan La Hungurayn iibka Shidaalkii Xumaa ee dalka Laga Joojiyay isticmaalkiisa waxyeeladana ugeystay gaadiidka ee qeyladu isgaadhay Gobolada dalka oo dhan.

Geesta Kale Shirkada gaarka loo lahaa ee Maamulka Haamaha shiidaalka Haystay mudada 32ka bilooda ayaa doonaya inay ka faaiidaystaan muadad kooban ee ay diyaarinayaa Xil wareejinta haamaha inay shiidaalkaa waskhaysan ee Xabagta leh kaalmaha shiidaalka Ka iibiyaa oo ka soo dhameeyaan haamaha madama oo dakhli kaga jiro dalka iyo gaadiidkiisana aanay dan ka lahayn ee ay shilinkooda eeganayaan.

Si kastaba ha ahaate Durbaba Mudo Labo Wiig Ku Dhow Ayaa kasoo wareegtay markii Madaxwayne Biixi  Digreeto  uu dib Ugu soo Celiyay  haamaha shidaalka Berbera gacantii dawlada illaa iminkana  lama oga sababta  looga wareejin laayahay shirkadihii  gaarka loo lahaa oo gacanta kuhaysta maamulkii iyo maaliyadii kasoo baxaysay haamaha shiidaalka Berbera.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews