berberatoday.com
“Macquul Ma Aha In WADDANI Xisbigaaga Noqdo, Caarrena Sarkaalkaaga Noqdo” Siciid Maxamuud Gahayr.
August 27, 2018 - Written by Berbera Today

Macquul Ma Aha In WADDANI Xisbigaaga Noqdo, Caarrena Sarkaalkaaga Noqdo” Siciid Maxamuud Gahayr.

Ninka la yidhaahdo Caarre ee meeraysanaya Qardho waxa uu ku doodayaa in uu caddaalad-darro ka dagaallamayo. Haddana isagii ayaa ku kacaya wax aan garaadka sida tooska ah u fekerayaa aanu qaadan karin. Haddii uu la dirirayo dawladda Somaliland, car waa kaase ha dhaco gaadiidka ciidanka, ha weeraro xeryaha milatariga. Ciidanka Somaliland waxa uu xil ka saaran yahay inay ilaaliyaan ciidda, calanka, carriga, cuudka iyo cisiga qaranka. Ma aha in gudaha laga fuliyo falal budhcadnimo ah, afduub, dhac iyo barakicin.

Car ha qabsado xafiisyada iyo xarumaha dawladda, isagii ayaa ku meeraysanaya gaadiidkii loogu tala-galay dadka xanuunsanaya, ummulaha, dhallaanka, waayeelka iyo dadka jilicsan. Falka ay dhawaan ku kaceen waa shaambad ay isku dhufteen. Dhuljiifnimada ay samaynayaan kuma metelaan cid aan naftooda ahayn.

Waxa la yidhi Hitlar oo baacsanaya dad uu raba in uu xasuuqo ayaa ay dadki ka galeen Cusbitaal. Wuxuu yidhi “Iska daaya haddii ay dhakhtar innaga galeen”. Naafaynta adeegga caafimaadku waa axmaqnimo aan sinaba loo aqbali karin. Waxa aan la yaabbanahay cidda sacabka u tumaysa ninkaas boqnaha jaraya baahidii bulshada.

Caarre ma aha nin iskii u baxay. Waxa uu ku milmay shaqaaqo ka oognayd deegaanka Ceel-af-weyn oo u dhexaysay beelo walaalo ah. Si kasta oo iska-hor-imaadkaasi ku bilaabmayna waa la afjaray, waxaana laga gaadhay heshiis buuxa. Shaqaaqada sokeeyaha dhex martay waxa ay walaac ku haysay dhammaan inta jecel samaha iyo sareedada bulshada.

Wasiirkii Hore ee Boosaha Md Maxamed Jaamac Abgaal ayaa isaga oo la hadlaya Suldaan Wabar waxa uu yidhi “Xabbada aad Qol-u-jeed ka riddaa goorma ayay Bariga Burco gaadhaysaa?”. Imaka gawaadhida gurmadka caafimaadka ama dhoolliga Sanaag laga dhacayo yaa lagu naafaynayaa? Goorma ayay xabbadda Caarre ee Qardho soo gaadhaysaa Galbeedka Hargeysa?.

Arrinkii Suldaan Wabar waxa ka ergeeyay, odayeeyay oo ciidankii nabad ku soo dabbaalay Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax. Maanta waxa loo baahan yahay Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali kale oo Sanaag ka kaca, isla markaasna xiisaddaas soo afjara.

Ciidanka Caarre waxa ay ku xarragoonayaan dharkii xisbiga WADDANI. Macquul ma aha in Xisbigaagu WADDANI noqdo, Caarrena uu sarkaalkaaga noqdo. Ummadda Somaliland waxa ay goaansatay in ay talada kula kala wareegto nidaamka xisbiyada. Ma kula tahay in uu Caarre xoog kaga taliyo ciid aan reerkiisu degganayn?. Haddii aanay madaxda Xisbiga WADDANI la soconnin ninka duurgalka ah, waa in ay naqdiyaan kuwa astaantooda xidhan ee shuftada ah. Haa, hore ayay uga hadleen in aanu metelin ninka dibad-wareegga ah ee Martin la yidhaahdaa.

Ma cod ayaa lagu raadinayaa maamulka dalka mise cudud iyo gawaadhida caafimaadka lala baxsdado?. Goorma ayaa la isla gartay in xayndaabka dimuqraadiyadda laga baxo oo rasaas wax lagu raadiyo?. Kuwa ku mashquulsan buunbuuninta kooxda Caarre, qaadhaankana guraya waxa la gudboon inay ku mashquulaan wax dalka iyo dadka anfaca.

Ugu dambayntii waxa xukuumadda Somaliland uu xil ka saaran yahay in ay waanwaan ku soo af-jaraan saluugga ay muujiyeen raggaas hore uga tirsanaa ciidanka ee gabbaadka ka dhiganaya gobolka Karkaar, Buntilaan.

 

Siciid Maxamuud Gahayr

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews