berberatoday.com
Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Oo Soo Bandhigtay Qalab Qaab Casri ah Cashuurta Loogu Ururinayo
August 28, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Waaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi iyo Masuuliyiinta Waaxyaha Cashuuraha ee Wasaaraddaas, ayaa maanta si wada-jir ah u soo bandhigay Qalab cusub oo Hab casri ah u shaqaynaya oo lagu qaadi doono Cashuurta qaarkeed, isla markaana qaybta koowaad la hirgeliyey oo qaab online iyo elagtaroonik ah u shaqaynaya, qalabkaas oo lagu bilaabayo 140 Meheradood oo Hargeysa ku yaalla iyo nidaam kale oo ay Hay’adaha dawladdu Kharashaadka kaga dalbanayaan Wasaaradda Maaliyadda iyo sidoo kale adeeg lagu ogaan karo xaddiga lacagta Meheradaha soo gasha iyo cashuurta ku waajibta-ba.

WASIIRKA HORUMARINTA MAALIYADDA SOMALILAND OO QALAB CUSUB SOO BANDHIGAY 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Shir Jaraa’id oo uu Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi ku qabtay Xafiiska Cashuuraha Berriga Wasaaradda horumarinta Maaliyadda ee magaalada Hargeysa, waxa uu kaga warbixiyey Qalabkaas iyo adeegga lagu fulin doono, iyaga oo markii dambena mid mid u galay Qolalka Qalabkaasi ku rakiban yahay, Mid walbana Masuulka qaabbilsani Sharraxaad ka siiyey Wasiirka.

“Waxaannu maanta si rasmi ah ummadda ugu soo bandhigaynaa in hawlihii aannu wadnay qaar ka mid ahi ku jiraan marxaladohoodii ugu dambeeyey, waana cashuurta loo yaqaanno (GST ama Goods and Service Tax), Cashuurta Badeecadda iyo Adeegga, Cashuurtaas oo wax badan ka shabbahda Cashuuraha Adduun weynaha iyo dalalka horumaray caanka ka ah ee loo yaqaanno Cashuurta Qiimaha lagu daray.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Yuusuf.

Hadalkiisa ayuu sii watay Wasiirka Horumarinta Maaliyaddu, waxaanu yidhi; “Haddaba, waxaan doonayaa inaan Dad la socodsiiyo innagoo hore u Daahfurnay Xafiiska Ganacsatada waawayn lagu diiwaangeliyo oo ganacsade kasta oo Dalkan wax soo dejiya ama ka dhoofiya siinaya Baadi-sooc uu mid waliba gaarkiisa u leeyahay. Waxaannu isla garannay Ganacsatada waawayn ee dalku leeyahay oo illaa 150 ah kuwa wax soo dejiya iyo kuwa wax dhoofiya iyo kuwa adeegyada kale iyo wax soo-saarka kala duwanba ka shaqeeya, inaannu marka hore ku sii bilawno Cashuurta tan Hudheellada waawayn iyo Xafiisyada Tigidhada socdaalka laga goosto iyo Xafiisyada Shirkadaha Laydhka inaannu ku sii tijaabinno.”

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed waxa uu sheegay xaddiga cashuureed ee dawladda ugu jirta qiimaha waxa uu Ganacsaduhu iibinayo, waxaanu yidhi; “Cashuurtan xaddigeedu waa 5% (waa shan boqolkiiba) oo Qiimaha lagu dhufanayo oo ka mid ah Cashuuraha loo yaqaanno Cashuuraha isticmaalka ee Dadka Ganacsatada ah iyo Dadka u shaqeeyaa marka la tabobbaro, heshiis suganna lala galo, Mishiinnadana lagu wareejiyo ay iyagu ururinayaan, Waaxda Cashuuraha Berriga iyo Xafiiska Odhadkuna ay ku dabo-galayaan oo ay ku hubinayaan, isla markaana lala soconayo. Markaa, Hargeysa ayaannu u qaadannay Tijaabo ahaan 140 Hudheel inaannu ku sii bilawno hawsha. 140-kaa Hudheel 29 ka tirsani waxay yeesheen Mishiinnada utumaatigga qiimaha waxay gadaan lagu geliyo, markaa 29-kaas Hudheel dib baannu u dhigannay, si aannu is-waafajinta Qalabkooda u samayno.”

Wasiirku waxa uu sheegay in Boqol iyo Koobiyo Toban Huteel hadda si rasmi ah ugu bilaabi doonaan adeeggaas, waxaanu yidhi; “Laakiin, waxaannu si toos ah u qaadannay 111 Hudheel, immika waxaannu dhignay 14 ka mid ah oo ay Mishiinnadani yaallaan oo qaab casri ah dhacdo maaliyadeedka ganacsi siduu u shaqaynaayo tijaabo weli ku socda, waayo? Waxaannu doonaynaa markaannu dhammaan Mishiinnada wada dhigno Mehradaha, Ganacsatada waawayn ee aannu u astaynay hawshan, ayaannu u samayn doonnaa Xaflad weyn oo Daah-fur u ah, taas oo markaas si rasmi ah ay u bilaabmi doonto ururinta Cashuuraha muhiimka u ah Wasaaradda.”

Geesta kale, Wasiirka iyo Masuuliyiin kale oo Wasaaradda ka tirsan, ayaa mid mid isu-dul-taagay Mishiinnada iyo Seerfarrada hawlgelinaya qalabka cusub ee la dhigayo Goobaha Ganacsi ee Cashuurta qiimaha Adeegyada Ganacsatadu bixiyaan lagu darayo, qalabkaas oo isugu jiray kuwo lagula soconayo Xogta Cashuurta dawladdu ku yeelanayso Lacagta Ganacsaduhu ka helo adeegyada uu iibiyo iyo qalab kale oo lagu kaantarroolayo Biilasha ganacsatadu leedahay iyo Kharashka ay soo dalbadaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee dawladda, qalabkaas oo si online ah iyo si elegtaroonik ahba u shaqaynaya iyo weliba Xafiisyada laga maamulayo, iyaga oo Wasiirka mid walba Masuulka qaabbilsani Warbixin ka siiyey nidaamka uu u shaqaynayo iyo haddii qaarkood Caqabado ku yimaaddaan sida aanay shaqadu u istaagayn ee markaba xalkeeda loo galayo ama loo xallin karo.

Waa markii ugu horreysay ee Qalab noocan ah oo kor loogu qaadayo Nidaamka Cashuur-ururinta Dawladda Somaliland ay hirgeliso Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu, sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi oo tilmaamay in adeeggani wax weyn ka tari doono kor u qaadista Dakhliga Somaliland, maaddaama oo aanu Dalku lahayn Warshado wax-soosaar iyo Dhaqaale buuran toona.  Wasiirka iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda horumarinta Maaliyaddu waxay Bulshada u soo jeediyeen haddii aan ganacsadaha Cashuurta ka qaadayaa tusin Tigidhka Cashuurta dawladda iyo Qiimaha waxa laga iibiyey ku wada qoron yihiin, inaanay bixin Cashuur, inkastoo ay Masuuliyiintu sheegeen in Ciidammada Dharcadda ah ee C.I.D-da qayb ka mid ahi si online iyo elegtaroonik-ba ah Taleefannadooda gacanta ugala socon doonaan sida ay Meheradaha Ganacsigu ugu shaqaynayaan Adeeggan Casriga ah ee Cashuur-ururinta qayb ka noqonaya.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews