berberatoday.com
Nagaad Oo War Ka Soo Saartay Xeerar Madaxweynaha Somaliland Saxeexay Dhaqan-gelkooda
August 29, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dalladda Ururrada Haweenka Somaliland ku midoobeen ee Nagaad, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Golayaasha Sharci-dejinta Somaliland ku hambalyeeyey meel-marinta Xeerka la-dagaallanka Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka iyo Carruurta ee Kufsiga iyo weliba Xeerar kale oo muhiimad u leh dalka oo Madaxweynuhu maanta qalinka ku duugay dhaqan-gelkooda.

ISMAHAAN CABDISALAAN GUDDOOMIYAHA NAGAAD NETWARK 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddoomiyaha Dalladda Nagaad Marwo Ismahaan Cabdisalaan, ayaa War-Saxaafadeed ay ku saxeexantay oo ay Xeerarkaas Madaxweynuhu dhaqan-galkooda saxeexay kaga hadashay, ayaa Nuqul ka mid ahi isla maanta markii Madaxweynuhu saxeexay dhaqan-galkooda ka did ay soo saartay uu soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com.

Qoraalka War-Saxaafadeedkaas Guddoomiyaha Nagaad ee aftahannews.com soo gaadhay wuxuu u dhignaa sidatan:- “Guud ahaan waxaa shacbiga Reer Soomaaliland farxad iyo guul u ah dhaqan galinta afrta xeer ee uu Madaxweynaha Soomaaliland dhaqan galiyey ee kala ah:-

Dhaqan-galka Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018.

Dhaqan-galka Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018.

Dhaqan-galka Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018.

Dhaqan-galka Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018.

Sidaa darteed Dalada Haweenka ee NAGAAD way ku hambalyeynaysaa Madaxweynaha iyo Shacbiga Reer Soomaalland guushaas u soo hoyatay, waxa kale oo ay hambalyo u diraysaa golayaasha xeer dajinta ee inta badan ku hawlanaa Xeerarka Curintooda iyo ansixintooda.

Dalada Haweenka ee NAGAAD waxaa si gaar ah u taabanaya oo ay ku Faraxsan   tahay Dhaqan-galinta  Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018 oo ay in badan ka soo shaqaynaysay dabadana ka riixaysay.

Waxay Dalada Haweenka ee NAGAAD si gaar ah Madaxweynaha ugu bogaadinaysaa go’aanka geesinimada leh ee u ku dhaqan-galiyey  Xeerkaasi, sidoo kale waxa ay Daladu bogaadinaysaa Golayaasha Xeer-dajinta ee mudada ku hawlanaa ansixinta Xeerka.

Ugu Danbayntii waxa ay Dalada Haweenka Reer Soomaaliland u rajaynaysaa in Xeerkani xakamayndono arimaha Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, sidoo kale waxaanu ku hawlanahay sidii aanu dabada uga riixilahayn wacyigalintiisa iyo dabogalkiisa oo loo gaadhsiin lahaa bulshada Reer Soomaaliland meelkasta oo ay joogto. Allaa Mahad Leh.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedkan aftahannews helay ee ay ku saxeexnayd Guddoomiyaha Nagaad Netwark Ismahaan Cabdisalaan Xasan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews