Dad Ajaanib Ah oo Lagu Laayay Dalka Koonfur Afrika iyo Boob Xoog Leh Oo Ka Socda Goobaha Ganacsiga
August 30, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Booliska Koonfur Afrika ayaa xaqiijiyey in laba qof lagu dilay isku dhacyo dhex maray dadka wadankaasi iyo ajaanibka ku nool isku raranta Soweto.
Tukaamo ay leeyihiin dadka anaanibka ahi ayaa la fadhataystay waxaanu qalalaasu ku baahay xaafadda.
Qalalaasaha shisheeye nacaybka ahi Koonfur Afrika kol ba mar buu ka qarxaa, waxaana sii huriya shaqo la’aanta badan iyo saboolnimoda.