berberatoday.com
Riyadu Waxay Caddayn U Tahay Caafimaadka Maskaxda Iyo Deganaashaha !Cilmi Baadhis
August 30, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Cilmi baadhis cusub oo dhawaan la daah furay ayaa waxa lagu xaqiijiyay in dadka sida degan u nool inta ay soo jeedaan ay ka riyooyin wanaagsan yihiin kuwa buuqa badan xilliga ay soo jeedaan, arrintaasi ayaa waxay saamayn ku leedahay caafimaadka Maskaxda qofka.

4Cilmi baadhistan ayaa waxa daah furay cilmi baadhayaal ka tirsan Jaamacada Torco ee Dalka Canada waxaanay natiijadii ka soo baxday badhitaankoodaasi ku soo bandhigeen Dawrada Cilmiga ah ee Scientific Reports ee ka faaloota arrimaha Cilmiga ah.

Haddaba, khubarada ayaa si ay u ogaadaan xidhiidhka ka dhexeeya Riyooyinka qofka  ee ka tarjumaya Caafimaadka maskaxdiisa iyo deganaashaha nololeed waxay baadhitaano ku sameeyeen dad tiro badan oo ay muddo saddex toddobaad ah la socdeen qaabka ay u nool yihiin.

Natiijadii ugu dambaysay ay heleena waxay noqotay in dadka ku nool deganaasho xilliga ay soo jeedaan ay ka riyooyin wanaagsan yihiin kuwa noloshooda uu buuqa iyo wareerku ku badan yahay isla markaana caafimaadka Maskaxdoodu uu yahay mid aad u wanaagsan sidoo kalena ay yihiin dad caqligoodu uu saliim yahay.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews