berberatoday.com
Waa Maxay Sababta Ay Dawladda Jabuuti Khadyaan Uga Taaggan Tahay Dacaayadda Reer Galbeedka ?
August 30, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Jabuuti ayaa dacaayad badan kala kulmaysa hay’adaha iyo warbaahinta reer Galbeedka kadib markii ay xidhiidh dhanka maalgashiga la samaysatay dalka Shiinaha. Warbixino isa soo taraya oo warbaahinta reer Galbeedka iyo hay’adaha wax falanqeeya soo saarayaan ayaa Jabuuti uga digaya in ay Shiinaha ugu dhacdo dabin daymeed kadibna ay iska bixin kari waydo lacagaha lagu yeesho.

Image result for Ismail Omar Guelleh

 

 

Warbixinaha oo wargeyska Waaberi u kuur galay ayaa ka digaya in Jabuuti noqoto dalkii u dambeeyay ee ku dhacay shabaqa Shiinaha. Waxay sheegayaan in Jabuuti qaadanayso lacag dayn ah oo ka wayn tankeeda taas oo ah in ay qaniinayso wax aanay calalin karayn ama aanay liqi Karin. Warbixinuhu waxay sheegayaan in Jabuuti qaadanayso dayn fara badan oo aanay soo celin Karin taasna ay horseedayso in Shiinaha ay u gacan gasho oo danihiisa si sahlan uga fushado, islamarkaana la wareego hantiyo muhiim u ah Jabuuti si uu lacagtiisa uga soo ceshado.

Todobaadka soo socda ayaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu caasimadda Shiinaha ku saxeexaya mashruuc lagu dhisayo waddo casri ah oo Shiinuhu maalgalinayo. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf wuxuu ku tilmaamay heshiiskaas mid cajiib ah oo muhiim u ah Jabuuti laakiin, waxa ku furmay dacaayadaha reer Galbeedka.

Wasiir Maxamuud oo ka jawaabaya digniinaha laga soo saarayo xidhiidhka Jabuuti iyo Shiinaha ee lacagta badan lagu galinayo kaabeyaasha dhaqaalaha waxa uu sheegay in jidka Siligga ah ee Shiinuhu u dhisayo Jabuuti uu yahay mid Jabuuti ka dhigaya meesha ugu mashquulka badan ee Gobolka taasna aanay jirin sabab looga digo iyada oo ah arrin maalgashi oo ganacsiga Shiinaha laftiisa faa’iido ugu jirto.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti waxa uu sheegay in arrinta la bus-kicinayo ee ah in Jabuuti ku dhacayso dabin dayneed ay tahay arrin siyaasi ah oo reer galbeedku aloosayo.

Wasiirka oo qoraallo is daba joog ah oo arrintan ku saabsan ku faafiyay boggiisa Twitter-ka waxa uu si weyn u difaacay xidhiidhka Shiinaha iyo Jabuuti waxaanu tusaale u soo qaatay in marka dalal ay Japan ka mid tahay la barbar dhigo Jabuuti aanay badnayn daynta Jabuuti qaadato waxaanu tilmaamay in ay sanadaha soo socda rajaynayaan kor u kac dhaqaale oo weyn.

Dawladda Maraykanka ayaa hormuud ka ah walaaca xidhiidhka kobcaya ee Shiinaha iyo Jabuuti waxaana muddooyinkii u dambeeyay la arkayay walaaceeda kadib markii Shiinuhu saldhiggiisii u horeeyay ka samaystay Jabuuti, islamarkaana galangal u yeeshay ganacsiga dhanka dekedaha iyo dhismaha aagga xorta ah ee dekedda Jabuuti.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews