berberatoday.com
Mugdiga iyo mad-madowga ku gedaaman qorshaha horumarineed ee Heshiiskii DPW iyo Somaliland wada galeen May 2016. qalinkii A/rahman Fidhinle UK
August 31, 2018 - Written by Berbera Today

Qorshaha horumarineed ee Shirkada DPW u dhigtay Dekeda Berbera waxaa ku jira mugdi iyo mad-madow fara badan. Heshiiska balaadhinta Dekeda  Berbera ee ay isla qaateen Xukuumada Somaliland iyo qareenada Shirkada DPW taariikhdu markay aheyd May 2016, ilaa iyo May 2017 waxaa lagu heshiiyey in lagu maalgeliyo Dekeda Berbera lacag dhan $442 Million oo dollar waxaana  aynu ogeyn in uu nuxurkiisu ku soo ururay in balaadhinta Dekeda Berabera ( extension work ) ay noqon doonto mid ku saleysan sadexdan weji ee hoos ku qoran :

 
1- Phase 0  Waxaa la keeni doona Dekeda Berbera 3 Wiish oo Alaabta dejiya  (3 Mobile Cranes)   5 Wiish oo raseeyayaal ah (5 reach stackers)  3 Tareele oo containarada qaada  (3 empty  carriers)  New Security  system ay  Dekedu ku shaqeyn doonto oo ku qalabeysan cilmiga cusub ee CCTV. Wuxuu heshiisku cadeynayaa in wejigani  uu ku kacaayo  lacag gaadhaysa $62 Million oo Dollar. Bal hadaba aynu is bar bar dhigno  qalabkii yaraa ee isticmaalka ahaa ee ay dhawaan inoo keeneen iyo wixii lagu heshiiyey? Waxaa meesha laga saaray  qalab badan oo heshiiska ku jiray. Waxaana uu hada xaalku u muuqdaa ” Aan ka fuudee allow fii haa !!.
2- Phase 1  Wejigani wuxuu leeyahay waxaa Dekedii hore lagu kordhinayaa Deked yar oo cusub oo 400m iyo 25 yard ah oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab.  Waxaa kale oo wejigan la socda in la keenaayo Dekeda Berbera  7 Wiish oo ah kuwa casriga ah ee xamuulka qaada isla markaana raseeya kontaynarada (7 Rubber tired Gartry Cranes). Waxaa wejigan lagu maalgelin doonaa lacag gaadhaysa ilaa $170 Million oo Dollar.
3- Phase 2  Wijigani wuxuu qeexayaa in hirgelintiisu ay ku xidhan tahay mar kasta sida ay u shaqeeyaan  labada weji ee hore Phase 0 iyo Phase 1, Wuxuu wejigani qeexayaa in marka Dekeda wax soo saarkeedu gaadho ilaa iyo 75%  ay markaa hirgelinayaan  Phase 2, Taa soo Dekeda lagu sii kordhinaayo 400m Quay and 25yrd kale oo noqonaysa barxad kale oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab oo kale. Qiimaha uu wejigan 2aad   lagu Maalgelinaayo ayey ku  qiyaaseen lacag gaadhaysa ilaa iyo $10 Million Dollar.
Isku darka lacagta maalgelinta ah ee loo qoondeeyey Balaadhinta Dekeda Berbera ee ku saleysan Sadexdaa weji ayaa isku noqonaysa $242 Million oo doolar. Taas oo ah lacag aad u yar marka loo eego lacagta ay Dekeda Berbera u soo xareyn jirtay Qaranka Somaliland sanad kasta iyo lacagta ay ka qurteen labadii sanadood ee ay laba lisayeen Bekeda Berbera.
Markaanu diirada saaray ee aanu ku sameeyey Daraasad kooban anaga oo baleysin iyo bud-dhigba uga dhigayna nuxurka ku duugan “Term Sheetkii ku taariikheysnaa 9/5/2015 ee  heshiiska lagu galay waxaa nooga iftiimay in uu heshiiskani yahay mid fashilmay oo khatar ku ah qaranimada iyo qowmiyada Somaliland gaar ahaan  waxaa  heshiiskan sii fashiliyey oo saameyn taban ku yeeshay heshiiskii ay Etobiya iyo Imaaraatiga oo is barkani ay dhawaan la galeen Dekedaha dawlada Ereteriya, heshiiskaas oo u buuxiyey ujeedoojinkoodii saaxiibtinimo ee ku saleysnaa ka Faa’ideysiga Dekedaha dayacan ee mandaqada.Waxaa laga dhawaajiyey in shirkada DPW oo dhabar taabasho togan ka haysata dawlada xoogan ee Etoobiya in ay sida ay doonto ka yeeli doonto Heshiiskii Dekeda Berbera ay la galeen, taas oo mudnaanta koowaad siin doonta wixii hada ka danbeeya dardargelinta iyo dayactirka dhismada marsooyinka Ereteriya.
Waxaa  fo’aan aragu isku wada raaceen in mar hadii Etoobiya ay heshiiyeen Ereteriya oo duleedkeeda ah in aanay Etoobiya marin biyood kale oo ka fog oo wadooyinkiisa wata oo lacag badani kaga bixi doonto aanay muhiimada koowaad marna siineyn halkaas na waxaa lagu gawawaray Mashruucii Berbera Corridor ee carabka ummadda lagu canqarinaayey mudada dheer. Shirkada DPW ayaa iyana aad iyo aad u daneynaysa Dekedaha Ereteria oo aad ugu dhow degaanada dadku ugu badan yahay Etoobiya marka la bar-bar dhigo xawaaraha ay Dekeda Berberi u jirto Degaanada dadka Etoobiyaanku ugu badan yihiin.
Waxaa laysku raacay in marka Dekeda Jabouti noqoto Dekeda koowaad ee Etoobiya isticmaasho ay Dekedda Labaad noqonayso Dekeda Ereteriya oo mudnaan badan la siin doono dhismaheeda. Dekeda Sadexaadna ay noqon doonto Dekeda Kenya , Dekeda Afraadna ay noqon doonto Dekeda Berbera oo aan marna loo hagar bixi doonin ee noqon doonta xarun kontaynarada lagu kala wareejiyo waxaana taa kaaga markhaatiya Sida ay DPW uga cago jiidayso Maalgelinta iyo Balaadhinta Dekeda Berbera labadii sanadood ee la soo dhaafay iyo qalabka kooban ee isticmaalka ah ee ay Dekeda hada keeneen iyaga oo mudo dhaafay oo jebiyey waqtigii lagu heshiiyey in Dekeda lagu balaadhiyo.
Guntii iyo Gebagebadii : Maadaama aanay JSL jirin Xeerka iskaashiga dawlada iyo Ganacsiga gaar ka ah ee ( PPP Act )  Somalilandna aanay laheyn ka hor tag khasaare oo caymis ah ( Protection Plan ) Waxaa Golaha Baarlamaanka ee Somaliland looga fadhiyaa in ay heshiiskan ay xukuumadu la gashay shirkada  DPW ay u kuur galaan oo taxadar badan iyo wada tashi badan ka sameeyaan nuxurka ku duuwan heshiiskan lagu deg-degay ee aan ummadda Somaliland loo soo bandhigin faa’idada iyo khasaaraha ka iman kara heshiiskan weyda noqday.
Fiiro Gaar ah :  Shirkada macaash doonka ah ee DPW maanta fartaa ku godan oo waxay hore ugu fashilantay oo ay qalabkii ka furatay Dekedo badan oo Mandaqada ah sida. Dekeda Daroole ee Jabouti,  Dekeda Cadan, Dekeda Lebanon, Dekeda Senegal iyo Dekeda indonisia …. ?
Afeef : Anigu daaha kama rogin ee dadkuba wuu arkaayaa – Shacaboow tiraa kaa gedmane wax isu gey geyso ! “Qormadani waa aniga rayigayga shaqsiga ah ,Waana laygu diidi karaa, Lagana doodi karaa, layguna garaabi karaa.” loona qushuuci karaa.
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London Uk

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews