berberatoday.com
Xukuumada Iyo Guddida Shirkadihii Laga Wareejiyey Hamaha Shidaalka Oo Khilaaf Ba’ani Ka Dhex-qarxay Iyo Kulamo Lagu Kala Kacay+Lacago Ay Dalbadeen Shirkadaha Haamaha Laga Caydhiyay Oo Laga Diiday
August 31, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Xiisaad cakiran iyo ismarawaa, ayaa ka dhex taagan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi iyo guddidii Hamaha Kayd Shidaalka Berbera ee dhowaan Madaxweynuhu ka wareejiyey, kuwasoo sida ilo-wareedyo u dhuun-daloola u Warbaahinta Xogreebnews.com, u xaqiijiyey inay isku maan-dhaafsan yihiin la xisaabtan cad oo ay Xukuumada ka dalbatay guddida ganacsatada ahaa, kuwasoo ay ku cad-yihiin habka sharciga wax loo dhiso, sida qandaraasyada iyo warsaqo caddaymo ah.
Halka guddida laga qaaday Kayd Haamuhuna ay bilowday tallaabooyin ay kaga aar-goosanayaan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, iyaddoo ay todobaadkii lasoo dhaafay Magaalada Hargeysa ay usoo daabuleen Shidaalkii ku jiray Kayd Hamaha, isla markaana ay bulshadda ku qaali-gareeyeen, talaabadaasoo ay ugu talo-galeen inay iskaga horkeenan Xukuumada iyo shacabka. 
Waxa kaloo Kamida qorshayaasha dabiinada ay ugu maleegayan gudiidaasi Xukuumada inay dalbadeen in lasoo celiyo dhaqaale ay ku andacoodeen inay Hamaha ku daryeelen, walow arrinkaasna guddidii xukuumadu u diratay soo xaqiijiyeen in aanay wax daryeel ah ku sameeynin Haamaha, haba-yaraatee, iyadoo guddida baadhistu Madaxweynaha usoo gudbiyeen in asadkii qaranku lahaa ee Haamihii lagu wareejiyey oo tiradoodu ahayd 23 haamood, ay maqan yihiin 3 Kamid ahi, wax kaloo ay kusoo kordhiyeena hadalkeedaba daa.
Hase-ahaatee guddidii hore ee gacanta ku haysay waxay iyaguna ku doodeen in xukuumadu usoo celiso dhaqaale aan qasnada Dawladda ku dhicin oo ay siiyeen shaqsiyaadkii isteerinka u ahaa dawladii hore ee Axmed Siilaanyo, kharash kaasoo xadigiisa ilo-wareedyo Shabakadda Xogreebnews.com heshay ku sheegeen 11-Milyan oo Dollar iyo sidoo kale Lacag 10 Milyan iyanna ka badan oo ay ku daryeelen.
Docda kale, wararku waxay intaa taaciyeen in dhowaan kulan ay yeesheen xubno Kamid ah guddida laga qaaday maamulka Hamaha iyo Madaxweyne Muuse biixi kulan ay yeesheen lagu kala kacay markii sida iluuhu tibaaxeen Madaxweynuhu soo hordhigay garnaqsi iyo qaynuun dawladeed, isla markaana uu ka dalbaday inay keenan shirkaddii iyo qandaraaska qaadatay haday wax dhiseen, waxa kaloo Madaxweynihii ka dalbaday in lala xisaabtamo mudadii ay gacanta ku hayeen, markaa hadii ay khasaareen waa la idin celin, hadii kalena waa laydinkula xisaabtami. Waxanu aakhirkii kulankaasi kusoo dhamaaday natiijo låaan.
Si kastaba ha ahaatee, todobaadyada soo socda ayaa waxa dalka ka dhici doontaa shidaal lå aan, iyadoo ay kaalmaha shidaalka lagu soo shubtay bulshada kaga iibin doonto qiimo laban laab åh,  mudada Xukuumadu keenayso shidaalka 
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews