berberatoday.com
Maxaad Ka Ogtahay Labada Khabiir Ee Hagaya Siyaasadda Arrimaha Dibadda Ereteriya
September 1, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya Cismaan Saalax iyo la taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Ereteriya Yemane Ghebreab, ayaa si weyn loo dareemayaa saamayntooda diblomaasiyadeed tan iyo markii uu heshiis dhex maray Ereteriya iyo Itoobiya.

 

 

Labadan diblomaasi oo muddo dheer la soo shaqaynayay Madaxweyne Afewerki, ayaa waxa ay tan iyo markii ay Ereteriya ka baxday qoolkii diblomasiyadeed ee ay ku jirtay waxa ay u muuqdaan inay yihiin maskaxda hagaysa siyaasadda arrimaha dibadad ee wadankaas hadda soo furfurmaya ee Ereteriya.

Waa laba nin oo uu aad ugu kalsoonyahay Madaxweyne Afewerki, waana laba nin oo khubaro ku ah siyaasadda iyo diblomaasiyadda waxaanu u diraa dal kasta oo uu doonayo inuu safar ugu baxo. Si kale haddii loo dhigo waa weftiga u sii sameeya Madaxweynaha Ereteriya gogol xaadhka dalka dibadeed ee uu booqanayo.

Markii uu Raysalwasaaraha Itoobiya Dr Abiy ku dhawaaqay inuu qaatay qaraarkii Aljers ee xuduudka Ereteriya iyo Itoobiya, wuxuu Madaxweynaha Ereteriya u soo diray Addis Ababa labadan diblomaasi Jun oo Addis Ababa soo gaadhay 26 June, waxaanay maalmo ka dib u galbiyeen Asmara Raysalwasaare Abiy Axmed oo ay markaas gaadhsiiyeen martiqaad ay uga sideen Mr. Afewerki, ka dibna waxa ay Asmara u soo galbiyeen Madaxweyne Issias Afewerki.

Sidoo kale labadan khabiir wuxuu hadana u diray magaalada Muqdisho ee Soomaaliya 13 august markii uu Farmaajo booqasho ku tagay Ereteriya. Toddobaadkan waxa ay labadooduba safar ku tageen dalka Ruushka oo ay kula kulmeen Wasiirka arrimaha dibadda iyo madax kale. Safaradan ma jiraan masuuliyiin kale oo ku weheliyaa.

Dadka falanqeeya arrimaha diblomaasiyadda iyo xidhiidhka caalamka, ayaa labadan nin ku tilmaamay inay yihiin wejiga cusub ee siyaasadda arrimaha dibadda Ereteriya oo muddo dheer go’doon diblomaasiyadeed ku jirtay, waxaana lagu tilmaamaa inay yihiin laba nin oo uu ku kalsoonyahay Madaxweyne Afewerki, waana sababta uu labadooda ugu diro safar kasta oo dibadda ah iyagoo wada jira.

Si kastaba ha ahaate, labadan aftahan waxa ay u muuqdaan inay kor u qaadayaan xidhiidhka ay Ereteriya la leedahay dunida, iyagoo furfuraya siyaasadda arrimaha dibadad ee Ereteriya

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews