berberatoday.com
Qarax Ismiidaamina Oo Ka Dhacay Xarunta Maamulka Degmada Hawl Wadaag Ee Muqdisho Iyo Khasaare Dhimasho, Dhaawac Iyo Burbur Hantiyeeda oo Ka Dhashay
September 2, 2018 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com0-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in goor dhoweyd weerar loo adeegsaday gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa lagu qaaday xarunta maamulka ee degmada Hawlwadaag.

Wararku waxay sheegayaan in uu jiro khasaare mood iyo noolba leh.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Saalax Dheere, wuxuu BBC u sheegay in 3 askari oo ka tirsan ciidanka amaanka ee xarunta degmada ay halkaa ku dhinteen.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa BBC u xaqiijiyey in ay qaadeen meydka hal qof iyo dhaawaca 14 qof, kuwaasoo 6 ka mid ah ay carruur ahaayeen.

Wuxuu kaloo afhayeenku sheegay in guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee degmada hawlwadaag uu ku dhaawacmay qaraxaas.

Waxaa laga cabsi qabaa in dadka waxyeelladu soo gaartay ay intaa ka sii badan yihiin.

Waxyeellada ayaa gaartay carruur dhiganaysay dugsi-quraan ka soo horjeeda xarunta degmada.

Goob joogeyaal ku sugnaa meel aan ka fogeyn xarunta degmada waxay BBC u sheegeen in ay arkeen xubno bani’aadan oo googo’an.

Xilliga uu qaraxu dhacay ayaa la sheegayaa in ay ahayd xilli ay xarunta degmada Hawlwadaag aad u saxmad badnayd.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka
Xilliga qaraxu dhacay goobta saxmad badan ayaa ka jirtay

 

Sources BBC-Somali.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews