Maxamuud Xaashi Iyo Boqor Buur-madow Oo Madaxweynaha Kala Hadlay Arrinta Guddoomiyenimada KULMIYE Iyo Guryo Xukuumaddii Hore Bixisay oo Dib Looggu Diiwaan-gelinayo Hantida Qaranka
September 3, 2018 - Written by Berbera Today
Xogahu Waxa ay Sheegeen in Odeyadani ay Madaxweynaha Kala Hadleen Arrinta Gandi Library, Hargaisa Club iyo Arrimo Kale oo Xasaasi ah.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasiyiin ka tirsan Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Madax-dhaqameed ka soo jeeda bariga Burco, ayaa la sheegay in ay kulan xasaasi ah oo ay la qaateen Madaxweynaha Somaliland, ay soo gaadhsiiyeen farriimo iskugu jiray cabasho iyo weli ba sida oo kale in la gaadhey wakhtigii Madaxweyne Biixi uu xilka guddoomiyenimo ee KULMIYE ku soo wareejin lahaa beelaha ka soo jeeda bariga Burco.
Wararku waxa ay sheegayaan in kulankaas ay hor kacaayeen wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi iyo sida oo kale Boqor Cismaan Buur-madow, kuwaasi oo Madaxweynaha kala hadlay arrimo khuseeya dhulalkii uu Madaxweynahu dib ugu soo celiyey gacanta dawladda ee Gandi Library iyo Hargeisa Club oo xukuumaddii hore ay ku wareejisay ganacsade Ina-Xarbi iyo Suldaan Siciid isla mar ahaantaana iyaga oo Madaxweynaha ka codsadeen in uu goobahaas dib ugu soo celiyo gacanta dadkii ay hore ugu wareejisay Xukuumaddii Siilaanyo.