berberatoday.com
Siyaasi Axmed Xaaji Cali Cadami Oo Ka Hadlay Inay Shir Ka Dhan Ah Xukumada Muuse Biixi Wadaan Golihii Wasiirada Xukuumadii Siilanyo
September 3, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka hadlay waxa ka jira wararka sheegaya in Golihii Wasiiradda ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo oo uu ka mid ahaa ay wadaan Shirar ka dhan ah Xukuumadda Muuse Biixi.

Image result for Wasiir Cadami

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa isagoo ugu horayn ka jawaabaya su’aal la xidhiidha shirkaas wuxuu yidhi “Waxa la yidhi Shir baa lagu qabanayaa Ceerigaabo, waa arrimaha suuqa ku jira, niman aanu isku Gole Wasiiro ahaan jirnay oo aanu is naqaano oo aanu macruuf nahay, oo iyana na casuumay, anaguna aanu casuunay weeyaan ee yaan Xisbi Mucaarad lala hadlin, oo aan wax loo sheegin cidna ma odhan,Madaxweyne iyo cid kale oo jideeysay midna ma jiro, qofka xogogaalka ah ee wadanka u dhashay, wax kasta oo uu arko ma wada kaydin karo, oo wey ku qarxaysaa ee wixii wanaag ah, in laga hadlaa waa waajib, sababtoo ah qofku waa muwaadin, haddii uu wadankiisa ku cabudhsanaado meel kalena ku hadli maayo”.

 

 

Wasiir Caddami isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yidhi “Shir ka dhan ahXukuumadda oo aanu wadnaa waa waxba kama jiraan, Wasiiraddayadii hore nin walba dan buu yeeshay, qaar baa Jaamacaddo Ingiriiska ka galay, qaarba Scandinavian tagay, walina is xaadiriyana lanama odhan, mar haddii ninka ay Dawladdiisu xilku ka dhammaado, si xushmad iyo wanaag leh inuu xilka ku wareejiyo weeyaan, inta aan anigu ogahay kana war qabo mid isku dhejiyey iyo mid ku dul dagaalamaya midna maan arag, intoodii badnaydna Hargeysa ayey joogaan”

Wasiirkii hore ee Gaashandhiga mar uu ka hadlaayey nabadgalyada ayaa yidhi “Anaga nabada nalaga laalushii maayo, dalka inta uu qof jecel yahay in la mid ah ayaanu jecel nahay, nabadgalyadu inay qiimo badan tahay baanu ognahay, haddii la yidhaahdo qoladii wasiiradda ka tagay baa gooni u shiraya,la calaw ayey noqonaysaa, la noola yidhin, Shirkiina kamaamu baaqan, anagu ma qabo inay Wasiiraddayadii aanu meel wada jirno ama aanu wada joogno, nin walba meeshii uu ka yimid iyo deegaankii uu ka socday, waa uu ku noqday, waxayna u badan yihiin Caasimadda Somaliland, oo ay joogaan intoodii badnayd, wax la sharaysto oo la yidhaahdo cid baa dhibaato inoogu maqan maaha, waa dadkii Xisbiga wax ka dhisayey, waa dadkii Dawladda wax ka dhisaayey, wax dhibaato ah oo dhinacayaga ka timaada, oo madax xanuun keenaya, meesha ma taalo, shaki badan baa meeshii soo galay, qofka weyna inuu wax badan iska dhawro ayaa loo baahan yahay, warbaahintuna maaha inay xaqiiqada ka tagto, mana haboona inay faafiso warar aan sal iyo raad toona lahayn, Wasiiradayadii hore markii hore isku beel maanu wada ahayn, xaafadna kamaanu wada iman, ee deeganada kala duwan ee Somaliland ayaanu ka nimid, khayr iyo wanaag ayaanu dadkayga u sadaalinaynaa, dhibaatana nalagama filan karo, cidda tirikoobka khaldan sameeysayna waxaan leeyahay Wasiiradaydii hore inta ugu badani Caasimadda ayey joogaan hadda, taysaro aanu sidano oo nalagu magacaabayna ma jirto, ee shacabka ayaanu ka mid nahay, Xisbigiina waanu ku jirnaa, Guddidii Fulinta ee Xisbigana waanu ku jirnaa, intayada badani, waxaana leeyahay ma jibaysnin mana cadhaysnin, Dawladdana shalay waanu ku jirnay, oo wixii aanu qaban karaynay, waanu qabanay, haddana fataxada ayaa hoosta laga akhriyayaa, inuu ALLE ta wanaagsan ina waafajiyo, iyo ilaalinta nabada ayaanu dadka kala mid nahay”.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews