berberatoday.com
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Is Barbar Dhigay Khataraha Iyo Faa’iidooyinka Somaliland Ugu Jira Saldhiga Milatari Ee Imaaraadku Ka Dhisanayo Berbera
September 3, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa is barbar dhigay khataraha iyo faa’iidooyinka Somaliland ugu jira saldhiga milatari ee ay siisay dawladda Imaaraadka Carabta.

sacad cali shire

Wasiir Sacad Cali Shire, oo qayb ka ahaa warbixin dheer oo ay jariirada The Telegraph ka diyaarisay khilaafka wadamada gacanka iyo awoodaha ku loolamaya Kanaalka Suweys iyo halka ay Somaliland kaga jirto, wuxuu sheegay in Somaliland Dareensan tahay khataraha uga iman kara haddii dalkeed laga weeraro wadamo kale, iyadoo laga aargoosan karo, laakiin haddana uu aaminsanyahay in faa’iidadu ka badan tahay khataraha jira, “Heshiiskan waxaanu ku helaynaa waddo, maalgashi shisheeye iyo shaqooyin, dal 75% aanay dadksiisu si toos ah u shaqayn.”  Ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

Wasiirka oo ka hadlaya khataraha iyo faa’iidooyinka is barbar socda ee heshiiskaas wuxuu yidhi  “Waanu ognahay in annaan Bilaash wax ku helayn. Waxaa jira walaacyo laga qabo Qarannimada. dhulkayaga waxaa loo isticmaali karaa in uu xarun weerarrarada laga qaado u noqdo dagaal dad kale leeyihiin, taas oo na geyeysiinaysa khatarta ah in lanaga Aargoosto. Laakiin waxa aanu aaminsannahay in faa’iidooyinka ku jiraa ay ka culus yihiin khasaaraha ka dhalan kara.”

Wargeyska waxa kale oo u waramay Siciid Xasan Cabdillaahi oo ah maareeyaha dekeda Berbera ee faraca badda, waxaanu sheegay in imaanshaha ay DP world timid Somaliland uu kalsooni ku abuurayo cid kasta oo kale oo doonaysa inay dalka maalgashato, “Imaanshiyaha DP world wuxuu keenay faa’iidooyin oo dhan.” Ayuu yidhi Siciid oo intaas raaciyay “Wuxuu kalsooni siinayaa maalgashadayaasha kale ee shisheeye.” Waxaanu intaas ku daray in Berbera albaab u noqon doonto ganacsiga Bariga Afrika iyo bariga dhexe.

 

Xigasho Wargeyska Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews