Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Oo Kulankii Ugu Horeeyay La Yeeshay Xukuumadiisa Iyo Amaro Culus Uu Faray
   September 4, 2018 - Written by Berbera Today
       
       
   
    
Jig Jiga(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa waxa uu kulankii ugu horeeyay la yeeshay golihiisa xukuumada cusub.
Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa waxaa uu golihiisa xukuumada cusub uu kala hadley xaalada uu deegaanku ku sugan yahay iyo xaaladihii uu ku sugnaa  27 sanadood ee la soo dhaafay gaar ahaan 11 sano ee u danbeeyay, Isagoo xubnaha xukuumadiisa faray in ay iska ilaaliyaan waxyaabaha la rabo in ay iska ilaalinayaan oo ay ka mid yihiin musuq-maasuqa, isla waynida qabiilka iyo kicinta qabaa,ilka iyo waxyaabaha la rabo inay ku sii foogaan oo ay u dhaqmaan si masuuliyad ah oo ay bulshadooda u adeegaan.