berberatoday.com
Maxkamada Degmada Berbera Oo Xukun Ku Riday Afar Qof Oo Shaqaale Ka Ahaa Saldhiga Milateri Ee Berbera Oo Ugaadhsi Sharcidaro Ah Ku Sameeyay Duurjoog
September 4, 2018 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Maxkamadda degmada Berbera ayaa waxa ay xukun ku ridday afar qof oo ka mid ah lix qof oo u xidhnaa eedo la xidhiidha ugaadhsi sharci-darro ah.

Dadkan la xidhay oo shan ka mid ahi u dhasheen dalka Pakistan iyo hal qof oo Somaliland u dhashay, ayaa maxkamaddu saddex ka mid ah ku xukuntay midkiiba 4-kun oo Dollar oo ganaax ah.

Dadkan ayaa la sheegay inay shaqaale ka ahaayeen saldhigga Imaaraadka Carabta uu ka dhisayo magaalada Berbera.

Wasaarad deegaanka Somaliland ayaa waxa ay sheegtay in dadkan la xukumay lagu qabtay ugaadhsi sharci daro ah, Kaas oo ay ugaadh sanayeen qaar ka mid ah ugaadha dalka, waxaa kale oo ay wasaaradu sheegtay in ragan lagu qabtay raqda laba ka mid ah ugaadhii ay ugaadhsanayeen oo deero ahayd iyo waliba gaadiidkii ay falkaas ku filinayeen.

Eedaysanayaashan oo la xidhay mudo toban cisho kahor ayaa markii maxkamada la hor keenay ayay maxkamadu xukun ku riday, sadex ka mid ah eedaysanayaashan oo midkood u dhashay Somaliland iyadoo ay maxkamadu sheegtay in xoriyadooda loo soo celiyo, Halka sadex qof oo u dhashay dalka Pakistan oo ku eedaysan kiiskan ay maxkamadu ku xukuntay midkiiba 4 kun oo dollar oo ganaax ah, haseyeeshee wasaarada deegaanka ayaa sheegtay in xukunkaas ay racfaan ka qaateen, islamarkaana aanay ku qancin.

Dhinaca kale waxaa jiray laba gaadhi oo la sheegay inay eedaysanayashani ay falkan ugaadhsiga ah ay ku fuliyeen, Kuwaas oo ay wasaaradu ku doodayso in ay dawladu la wareegto.

Mudooyinkii u danbeeyay waxaa maxkamadaha Somaliland ka socday kiisas la xidhiidha ugaadhsi sharci daro ah iyo ka ganacsiga xayawaanka sida diinka oo wakhtiyo kala duwan dad loogu xukumay xadhig iyo ganaax iyo ka ganacsiga hariima cadka oo todobaadkii hore maxkamada degmada Hargeysa ay xukuno sadex sano ah iyo ganaax lacageed ugu riday eedaysanayaashii kiiskaasi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews