berberatoday.com
Baadigoob Loogu Jiro Dahab Boqortooyo Oo La Xaday
September 5, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Booliiska magaalada Hyderabad ee koonfurta dalka Hindiya ayaa billaabay baadhitaan ay ku samaynayaan xatooyo loo gaystay baaquli dahab ka samaysan oo dheeman lagu xardhay kaas oo ay lahayd boqrtooyo hore.

Tuugaga ayaa sidoo kale xaday koobka shaaha lagu cabo oo dahab ah, saysar, qaaddo iyo waxyaabo kale.

 

 

Alaabadan ayaa culayskooda lagu sheegay 3kg, waxaana lagu qiimeeyay 7 milyan oo doolar.

Waxaa iska lahaa Osman Ali Khan oo ahaa boqorkii u dambeeyay ee Nizam ee magaalada Hyderabad oo mar ahaa ninka u taajirsan adduunka oo dhan.

Xatooyada ayaa la ogaaday Isniintii, booliiska ayaase ka shakisan in ay dhacday habeenkii ka sii horreeyay.

Alaabadan qaaliga ah ayaa laga saaray goobtii ay surnaayeen ee dhismaha Nizam oo hadda matxaf ah.

Alaabo kale oo ay lahayd isla boqortooyadan ayaa madxaf kale laga xaday 10 sano ka hor.

Booliiska ayaa laanta af Telugu ee BBC u sheegay in ay xatooyadan u dambaysay uga shakisan yihiin in ay labo ruux ku lug lahaayeen.

Hindustan Times ayaa ku warrantay in booliisku ay shegeen in tuugtu ay damisay kaameerooyinkii ammaanka loogu talagalay ee CCTV loo yaqaanno, sidaas daraadeedna aan la haynin muuqaal laga duubay dhacdadaas. Waxay intaas ku dareen in daaqadii dhalada ahayd qalab lagu jaray si looga baaqsado in alaabada qaaliga ah waxyeelo gaarto.

Alaabadan ayaa yaalay madxafka Nizam, waxaana albabada loo furay 2000 si ay dadku u soo daawadaan. Waxyaabaha yaalay waxaa ka mid ahaa hadiyado qaali ahaa oo Mir Osman Ali Khan la siiyay 1937-dii.

Khan ayaa hoggaamin jiray gobolkii ay boqrtooyadiisu ugu baaxad waynyd wakhtigaas ee dalka Hindiya. Wuxuuna geeriyooday 1967.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews