Boqor Buur Madoow Iyo Maxamuud Xaashi Oo Madaxweyne Muuse Biixi Kala Hadlay Hanti Qaran Oo Xiligii Xukumadii Siilanyo Ay Qaateen Shaqsiyaad Isugu Jira Masuuliyiin Iyo Ganacsato Kasoo Jeeda Beesha Bariga Burco Iyo Madaxweynaha Oo Gaashaanka Udaruuray Go,aankiisiina Ku Adkaystay
September 5, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan Hargeysa ka furay Mashruuc ay wado Wasaaradda Hawlaha Guud, kaas oo lagu sugayo tirada dhulka danta guud iyo hantida Ma Guurtada ah ee Xukuumadda Somaliland ay iska leedahay.
Barnaamijkan oo fulintiisa durba ay Wasaaraddu guddo gashay ayaa waxa lagu soo waramayaa in uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Amar ku bixiyay in dhulka iyo hantida Ma guurtada ah ee xukuumadda Lagu darro tiroba sideed guri oo ay si uun u qaateen masuuliyiin iyo ganacsato ka soo jeeda Beesha Bariga Burco.