berberatoday.com
Shilka Gaadiid Isku Dhacay Oo Hada Ka Dhacay Duleedka Tuulada Haleeya Iyo Khasaaraha Ka Dhashay+Sawiro
September 5, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Shilkana Gaadhi oo ka dhashay laba gaadhi oo isku dhacay ayaa waxa la sheegay inuu ku geeriyooday hal ruux oo Nin rag ah sida ay sheegeen ciidamada nabad galiyada wadooyinka magaalada hargeysa oo gurmad dagdag ah kuyimi goobtaas shilku ka dhacay oo ahayd meesha loo yaqaano Burcada ee masaafada kooban ka soo xigata xaga Berbera tuulada Haleeya gaar ahaan halka looga leexdo Wadada tagta Deegaanka Darar Weyne waxa kaloo iyana la sheeegay inuu dhawaacyo ka soo gaadhay shilkaas dad tiradooda lagu sheegay ilaa afar ruux.

Labada Gaadhi ee isku dhacay oo la sheegay inay ahaayeen gaadhi VX Landcrusser ah oo Jaad Siday iyo gaadhi Nooha ah oo dhuxul siday ayaa si xun isugu dhacay waxaana sida aad sawiradan ka arkaysaan labada gaadhi soo gaadhay burbur laxaadle oo khatara.

Shilalka gaadiid ayaa goobta shilkani ka dhacay ku badan iyada oo sababo dhawrana loo aaneeyo marka laga tago qadarka alle waxaana kamida sababahaas in goobtani tahay jid laamiya oo toosan oo aan burbursanayn gadiidkuna ku maraan xawaare sare iyo masuuliyad darada wadayaasha gaadiidka oo aan xil iska saarin nafaha iyo masuuliyada ka saaran gaadiidka ay wadaan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews